50 Tilmaamood Oo La Isku Raacay In Ay Haweenku Ragga Ku Doortaan, Gabadh Kastaana Jeceshahay (Q:4aad)

16. Siifadda Dhididka Ragga: Inkasta oo aad malaha akhriste arrinkan la yaabi doonto haddana daraasad dookha haweenka ee ragga lagu sameeyey waxa ay muujisay in haweenku jecel yihiin siifadda yar ee dhididka ragga ee aan aadka u badnayn. Dareenka dheddignimo ayaa keenay bay leeyihiin khubaradu doonista urta dhidid ee labka waana arrin dabiici ah oo abuurnimo.
17. Ninka Hogaamiyaha ah: Haweenku waxa ay jecel yihiin ninka leh astaanta hogaamineed ee qoyskiisa iyo inta ku hareeraysanba u noqda hayin hogaamin wanaagsan. Haween badan waxa soo jiita ragga ku habboon in ay hannaan hogaamineed ku dhaqaan qoysaska jacaylna u muujiya ubadka iyo waalidka labada dhinac. Waxa ay ka yaacaan ragga aan lahayn awood hogaamineed oo uu ku kasban karo haweenayda.
18. Ninka Ubadka Jecel: Haweenku waxa ay aad u jecel yihiin ninka aadka u jecel ubadka iyo ilaalinta dareenka ubadka. Waxa ay aad uga helaan ragga ubadka koolkooliya ee muhiimad badan siiya inta aanu ubad dhalina mar walba jecel in uu ubad helo.
19. Ninka Ilaaliya Labbiskiisa Iyo Jidhkiisa: haweenku waxa ay ka siman yihiin ragga muhiimadda siiya muuqaalkooda duleed sida labbiskooda iyo jidhkooda. Waa dareen soo jiidasho oo ku abuuran bani aadamka in qof kasta oo labbisan ama jidhkiisa ilaaliya markaaba la sii daymoodo. Rag badan oo aan daryeel fiican siin labbiskooda iyo jidhkoodu waxa ay noqdeen kuwo haweenku ka didaan oo jidh diidaan.


20. Ninka Xalaal Miiradka ah: Haween badan oo wax laga waydiiyey dookhooda raggu waxa ay isku raaceen in ay jecel yihiin ragga toosan ee aan madmadawga badnayn, tusaale ahaan ragga inta badan raadiya risiq xalaal ah. Ragga ku dadaala in ay xalaasha daba galaan kana leexdaan wixii alle xaaraantimeeyey. ….



La Soco