Beenta Facebook – Wiil Jeclaadey Wiil kale (Akhriso Naxdintan)

Beenta Facebook – Wiil Jeclaadey Wiil kale (Akhriso Naxdintan)

 Mudo Laga Joogo 2 Sano iyo Bar ayaa Jaceyl Dhanka Internetka ah Waxaa uu ka Dhexeeyay Wiil Magaciisa Kusoo Koobay Xasan Kulmiyo oo Dhowr Sano Daganaa Wadanka Talyaaniga iyo Shamso oo Joogta Magaalada Nairobi oo ay Facebook iska Barteen.

Gabadhaasi oo aan Hada Isticmaalin Facebook ayaa Wexey soo saaran Jirtay Sawirba Sawirka uu Kasoo Jiidasho Badanyahay Taasi oo Sababtay in Xasan uu aad u Jeclaado.

Xasan oo Sawirada Qurxoon ee Gabadhaan ku indho daraadaray ayaa Markii uu Telefon soo Diro waxaa la hadasha Gabar Cod macaan Taasi oo Jaceylka kusii Laba Jibaartay.

Mudo Dhowr Sano ah ayuu Xasan soo Biilayay Gabadha Wuxuuna uso Diri Jiray Marka ay ugu Yartahay 200$ ama Ka badan Laakiin Markii dambe maxaa dhacay..?
Shamso Xasan Weuy Ka Ogolaatay Wax Walba Marka Laga Reebo in ay Kaamirad usoo Fariisato si uu u arko Gabadhaan Quruxda Badan ee uu Xasan Sawiradeeda Ka Helay.

Ileen Balaayo Bax oo Facebook soo gal ayey Kugu Tiraahdaaye, Xasan Wuxuu Mudo Dhowr Sano ahba Lacag soo Diro, Wexey Maalin Maalmaha Kamid ah Sheekeysteen Saaxiibkiis oo Jooga Nairobi, Waxa ay Sheekadu Socotaa Waxaa Lasoo Hadal qaaday Saaxiibtiis Shamso oo Xiligaasi Fadhiday Mid kamid ah Goobaha Internetyada Laga Dirsado ee ku Yaala Nairobi.

Xasan Saaxiibkiis ayuu ku Wargaliyay Shamso in ay Joogto Goob Internet Laga Dirsado oo ku Taala Islii Wuxuuna Ka Codsaday Saaxiibkiis in sida ugu Dhaqsiyaha Badan uu ku Tago Goobta ay Gabadhu Onlineka ka tahay oo ku Taala Wadada 4 Street Islii, Markuu Saaxiibkiis Tagay Meesha ayuu Gudaha u galay, kadibna Wuxuu eegay Qof Dumar ah Hadii uu ku Jiro Meesha, Nasiib Daro Wuu Waayay Wuxuu Falaashay Saaxiibkiis Xasan Islahadiiba Wuu soo Wacay Wuxuu u sheegay in Meesha Wax Gabar ah aysan Fadhinin.

Xasan Wuxuu Saaxiibkiis ku adkeeyay in uu si fiican meesha u Fiiriyo, Laakiin Nasiib Wanaag Maxaa dhacay hade..?

Wiilkii ayaa Gudaha si rasmi ah usoo Galay Wuxuu arkay Nin Gaaban oo Gar Leh oo Isticmaalaya Sawiro Gabar aad u Qurux Badan, Wuu ag fariistay Markoo Xoogoo la fadhiyo ayuu Isha ku Xaday Facebookiisa Waxaaba usoo Muuqday Sawirka Saaxiibkiis oo Online ah, Ninkii Gaabnaa ee Garka lahaa ayuu ka Codsaday Sxb Ninkaan Ma taqaan..? Ninkii ayaa Durbaba ku Jawaabay Haa Waa saaxiibkey adigu Ma taqaan ayuu kusoo Celiyay, Wuxuu ku Yiri Haa waxaan ku Qalday Yar Jooga Amerika, Wuxuu Ninkii Gaabnaa Lasoo Booday haa Ninkaan Wuxuu Joogaa Talyaniga..!

Yaab iyo Amakaak Wiilkii Wuxuu Wacay Xasan Wuxuu u sheegay War Hooy Nin ayaad Shukaansaneysaa..! Xasan ayaa arintii Baaray oo Wuxuu Ogaaday in Marka uu soo Waco Telefonka Loogu Dhiibi Jiray Gabar Cod macaan Mudadii 3 Sano aheydna uu Nin Shukaansanayay.

Ninkaan Gaaban ee Garka Leh ee Xasan Mudada Shukaansanayay ayaa La Ogaaday in Gabar Cod Macaan uu Lacag ku siin Jiray in ay U Jisho in Gabadha uu shukaansado Xasan ay iyadu Tahay.




thumbnail Title: Beenta Facebook – Wiil Jeclaadey Wiil kale (Akhriso Naxdintan)
Posted by:galmada Net
Published :2015-11-19T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Beenta Facebook – Wiil Jeclaadey Wiil kale (Akhriso Naxdintan)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 19, 2015 and have 0 comments