Ciyaarta sariirta meeqa saac ayaad sameen kartaa Talo caafimaad oo muhiim ah

Waqtiga cayaarta sariirta uu ninka raga wadi karo, ragu waa aay ku kala duwanyihiin waxaayna ku xirantahay inta waqti uu ruux walba ka badanyahay ruuxa kale Cayaarta Sariirta maxaa yeelay, haddii uu xaas lahaa mudo sideed bilood ah, waa uu ka waqti gaabanyahay ruuxa muddo 4 sanno lahaa. maxeey ka koobantahay cayaarta, 1- Niyad, in ruuxa niyaa uga soo dhacdo in uu galmo sameeyo, 2- in uu u Diyaargroobo, 3- in uu Istiimis ama romance uu la yimaado, 4- in uu Galmo la imaado 5- iyo gunanadka Galmada. 5 Qeybood midba waxaa loo baahanyahay waqti looga tala galay in aay socota tusaale ahaan niyada waa in aay waqtiga uun kaaga soo dhacdaa waxaana kugu soo dhici kartaa meel walba oo aad joogto, adigoo xaaskaaga la kulmo maalin iyo habeen midey doonto ha ahaato, diyaar garowgana waa in aad xaaskaaga ku dhilasaa halka aad adiga taagantahay, waxaa dhici karta in aayan wali hawaysan ayada niyada aayan uga jirin waa in aad la timaadaa maskadxii aad ku galin laheyd sidii aay u niyaysan laheyd waana adigoo, isdiyaarisaa dhanka nadaafada, soo jiidashada iyo sheekadaba, istiimiska ama roamce-ga waa in uu ka xeeldheeraa waqtiga aay galmada soconayso ugu yaraana waxaa wanaagsan in la sameeyo 30 daqiiqo sida aay xaqiijiyeen dadka ku xeeldheer cayaarta Sariirta, waxaa jira rag dhaqsa biyo baxo. Waa maxay biyo-bax degdeg ah? Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan “Premature Ejaculation” loona soo gaabiyo “PE” waa xaalad ragga uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah. Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kaloo diraaso la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6 daqiiqadood. in kastoo oo aay wanaagsan tahay in la geeyo ilaa iyo 7 Daqiiqo Waxaa klaoo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo “PE”. Howsha galmada waxay u baahantahay inuu jiro Rabitaan (Lipido), Kacsi (Arousal) iyo Biyo-bax (Orgasm), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jiro. Maxaa keeno biyo-bax degdeg ah? Biyo-baxa waxaa loo kala qeybiyaa labo marxaladooda oo kale ah: Wejiga saarista biyaha (Emission) oo ah illaa ay ka soo gaarto ibta. Wejiga gamista biyaha (Expulsion) oo ah wixii ka dambeeyo xaaladda kor ku xusan. Biyo-baxa degdegga ah haddii qofku isku arko isagoo awal fiicnaa waxaa loo yaqaanna “Secondary PE” laakiin haddii uu qabay inta uu ka qaangaaray waxaa loo yaqaannaa “Primary PE” waxayna ku kala duwanaanayaan daaweynta. Waxaa la aaminsanyahay in sababaha keeno PE-da ay yihiin badanaa dhibaatooyin nafsaani ah oo ay ka mid tahay niyad-jabka, welwelka, cabsida iyo waxyaabo kale. Waxaa kaloo keeni kara dhibaato maskaxeed, isbedel heerka hormoonada, dhibaatooyinka prostaytka, cudurro dhaxal ah iyo daawooyinka qaar. Si loo ogaado waxa keenay dhibaatadaan waxa loo baahanyahay in qofka laga qaado warbixin buuxda oo taabanayso qeybaha noloshiisa sidaa awgeed, waxaa habboon in aad u tagto dhakhtar. Sidee loo daaweeyaa xaaladdaan? Daaweynta waxaa loo kala qaadaa 3 nooc oo kala ah: 1- In la daaweeyo haddii ay jiraan cudurro kale oo keeni karo xaaladdaan (Tusaale: heerka cunsurka magniisiyamka oo ku yaraada qofka) 2- Tababar nafsaani ah: tababarkaan waxaa lagu dheeraayaa mudada biyo-baxa iyadoo la isku dayo in la joojiyo dibne loo bilaabo galmada dhawr jeer ama tababar lagu magacaabo “Kegel Excercise” oo lagu xoojiyo murqaha miskaha si qofku awood ugu yeesho inuu kontorooli karo murqahaas. 3- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa “SSRIs” waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka. waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada. gunaanadka galmada ruuxa marka uu biyo baxo ma wanaagsana in uu horey ka kaco xaaskiisa ee waa in uu ogaadaa xaalada Xaaskiisa ma biyo baxday ma u sii baahantahay, xataa haddii aay dhamaysatay waa in uu ku hayaa ugu yaraan 2 daqiiqo, shumis iyo mahadnaq uu ugu daro taasi waxaay keenaysaa in islaantu aay Galmada jeclaato.