Daawo: Weerarkii Hoteel Radisson Blue ee mali oo lasoo afjaray iyo Khasaaraha dhimasho oo la shaaciyay

Daawo: Weerarkii Hoteel Radisson Blue ee mali oo lasoo afjaray iyo Khasaaraha dhimasho oo la shaaciyay

Waxaa lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday Hoteelka Radisson Blue ee dalka Mali, kaasi oo ay qaaden Kooxo kasoo horjeeda Dowlada Mali.
Maamulka Hoteelka ayaa sheegay in Hoteelka ay deegaan ku ahaayen xiligu uu weerarka dhacaayay dad aad u farabadan waxa ayna Kooxdu afduub ku qabsadeen 140 qof oo ay u badnaayen Ajaanib.

Ciidamada oo iska cabin ku sameeyay dagaalyahaanada ayaa waxaa u suuragashay inay soo badbaadiyeen 30 qof oo ay ku jiraan dad haysto dhalashada dalalka Farnsiiska, Turkiga, Shiinaha iyo Hidniya.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarka waxa ayna sheegen in la laayay dhamaan Kooxihii weerarka qaaday.

Markii ay Ciidamada gudaha Hoteelka galeen ayaa waxa ay halkaasi kasoo kala saaren Meydadka Meydka 27 qof oo ay ku jiraan Ajaanib kuwaasi oo Hoteelka deegaan ku ahaa.

Waxaa hadda degan xaalada Hoteelka iyo xaafadaha ku hareersan, waxaana halkaasi buuxa Ciidamo cadaan iyo kuwa Mali.



thumbnail Title: Daawo: Weerarkii Hoteel Radisson Blue ee mali oo lasoo afjaray iyo Khasaaraha dhimasho oo la shaaciyay
Posted by:galmada Net
Published :2015-11-21T23:44:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo: Weerarkii Hoteel Radisson Blue ee mali oo lasoo afjaray iyo Khasaaraha dhimasho oo la shaaciyay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 21, 2015 and have 0 comments