Dhakhtar Soomaali ah oo sabab layaab leh ku waayay Shaqadiisa

Dr. Abdullahi Abdi Yussuf oo Somali ah ayaa la hakiyey Hawlihii Wada-shaqeynta ee Boliska magaalladda Manchester City, kadib, markii la sheegay inaan si fiican loo fahmi karin hadalkiisa.

Shaqo-joojintiisa waxay timid, kadib, markii ay Golaha Guud ee Daawadda (The General Medical Council (GMC) walaac ka muujiyeen inaysan suurtogal ahayn in la fahmo Hadalkiisa.

Waxa uu Boliska magaalladda Manchester City ee dalka Britain gacan ka siin jirey Baaritaanka Maxaabiista ay baaritannadu ku socdaan, gaar ahaan kuwa isticmaala Khamriga iyo Daroogadda.

Dhakhtarka oo 49 jir waxa uu haystaa Shahaadada Dhakhtarnimadda oo uu ka soo qaatay Jamaacad ku taalla dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo The Sapienza University of Rome.

Qoraal loo gudbiyey Maxkamadda Manchester ayaa lagu sheegay  inay Golaha GMC u soo gudbiyeen in Dr. Abdullahi Abdi Yussuf  aad u liidato Luqadiisa Englishka, kadib, markii la dhegeystay Wada-hadal Telefoonka uu kaga warbixinayey qof uu ka turjumayey.

Dhakhtarka wax shaki ah lagama muujinin Heerkiisa Aqoontiisa ee uu Xirfadda u leeyahay, waxaase lagu amray inuu iska soo dhiso Luqadda Englishka,  waxaana looga digay haddii uu ku dhaco Imtixaanka in laga qaadi doono Tallaabo aan la shaacinin.

Dr. Yuusuf waxa uu sheegay inuu ku dadaalay inuu horumariyo Ku-hadalkiisa Luqadda Englishka, isla markaana uu galay Fasallo lagu barto Luqadaha oo uu soo dhamaystay Koorso 32-saacadood ahayd.