gabadhani ma caqli badnayd mise xaasidad ayay ahayd? akhriso kadib ka jawaab

gabadhani ma caqli badnayd mise xaasidad ayay ahayd? akhriso kadib ka jawaab

MIYAY CAQLI BADNAYD MISE XAASIDAD BAY AHAYD?
Nin oday ah xooggaa dhaqaale ahna haysta ayaa horrey u qabay xaas u lahayd 4 carruur ah, muddo kadib xaaskiisii ayuu la guursaday gabar rajaynimo kusoo kortay oo aan weli curan, wuxuuna u sheegay in uu leeyahay xaas aad u kulul uusana doonayn qaylo iyo buuq dib ka yimaada!
Waxay ku tiri " Xaaji annigaa diyaar u ah in aan min-weynta guriga u soo hagaajiyo iskaaya bar uun annagaa isfahmi doonee" Ninkii odayga ahaa gabadhii waa u riyaaqay, wax walba dhinaca ayuu ka dhigay, habeenkuu u yimaado, waxay ka wareysataa carruurtii iyo xaaska kale markuu baxayana waxay ku tiraahdaa " Igu salaan walaashay iyo carruurta aan dhib la'aanta dhalay"
Guriga min-weynta markuu tago ee uu sheekada u sheego islaanta kale waa dagaalantaa qaylada iyo caaydeeda dariska ayaa isku soo baxa. Habeenada qaarkood wuu iska soo noqdaa oo guriga min-yarada ayuu ku soo noqdaa isagoo isku buuqsan oo nasiino doon ah. Gabadhii min-yarada ahayd waxay go'aan ku gaartay in ay kala gayso xaajigeeda iyo min-weynta iyadoon qaylo iyo dhib u marin balse adeegsanaysa kiniinka hurda oo kaliya!
Galabkii markuu baxayo waxay siisaa koob caano ah waxayna ugu dartaa 3 xabbo oo kiniinka hurdada ah waa galab walba oo uu guriga min-weynta u socdo. Odayga markuu xagga tago hurdo indhaha ayuuba isku haystaa waana iska dhacaa, min-weyntiina ciil iyo caro ayay isla cuntaa markii sidii ku socotay saddex toddobaad min-weyntii furiin ayay dalbatay sidii ayaanna lagu kala tagay oo min-yaradii reerkii kula wareegtay.
Haddaba, gabadhani ma caqli badnayd mise xaasidad ayay ahayd?
Mahadsandiin


thumbnail Title: gabadhani ma caqli badnayd mise xaasidad ayay ahayd? akhriso kadib ka jawaab
Posted by:galmada Net
Published :2015-11-27T19:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
gabadhani ma caqli badnayd mise xaasidad ayay ahayd? akhriso kadib ka jawaab



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 27, 2015 and have 0 comments