HEEGANKII UGU SAREEYAY OO LA GELIYAY MAGAALADA BRUSSELS (DAAWO SAWIRADA)

Waxaa la xiray tareenada dhulkiisa mara iyo tareenada kalaba, waxaana jirta baqdin weyn oo laga qabo in weeraro argagaxiso ka dhacaan Magaalada Brussels ee Xarunta Belgium.

Waxaa kaloo la joojiyay oo hakad geliyay ciyaarihii kubadda cagta ee ka qabsoomi lahaa Garoomada Magaalada Brussels, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidan fara-badan oo la soo dhigay.

Ciidanka Booliska oo kaashanaaya Militariga, ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka iyo isgoysyada Magaalada Brussels, iyagoona ka hortagaaya weeraro ka dhaca Caasimadda.

Sidoo kale goobaha loo dalxiiska taggo ee Magaalada Brussels iyo dukaamada waaweyn ee ganacisga, ayaa waxaa la dareemayaa in amnigoodu la xoojiyay.

Ra’iisal Wasaaraha Belgium-ka, Charles Michel, ayaa maanta sheegay inay suurtagal tahay weeraradii Magaalada Paris kuwo lamid ihi inay ka dhacaan Caasimadda Belgium-ka.

Xeer Ilaaliyaha Guud Belgium-ka, ayaa sheegay in guri ku yaala Magaalada Brussels laga helay hub qayb ka ahaa weeraradii ruxay Caasimadda Faransiiska, 13-kii bishaan.