Kongareeska Mareeykanka oo diiday in qaxootiga Syria la keeno Mareeykanka

Kongareeska Mareeykanka oo diiday in qaxootiga Syria la keeno Mareeykanka

Aqalka Wakiilada ee Congresska Mareykanka ee ay maamulaan xubaha xisbiga Jamhuuriga ayaa u codeeyay Qamiistii shalay in la joojiyo qorshaha madaxweyne Obama ee dib u dejinta u sameeynaya ilaa iyo 10 kun oo qaxooti reer Syria ah sanadka soo socda, laakiin madaxweyne Obama ayaa wacad ku maray inuu Awooddiisa Vetoga uu adeegsan doono, haddii Arinta ay ka soo gudubto Aqalka Congresska.

Madaxweyne Obama oo ka hadlayay shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalalka Kulaala badda Pacifigga(APEC) ee ka dhacayay caasimadda dalka Philipines ee Manila, ayaa bidhaamiyay inuu rajeynayo in qorshihii dib u dejinta qaxootiga Syria uu meel marayo.



Mudanayaasha Jamhuuriga ayaa ku doodaya in Qaxiitiga Syria laga yaabo inay ku soo dhex dhuuntaan xubno ka tirasan ururka ISIS oo weeraro la mid kuwii Paris ka fuliya Mareykanka.


thumbnail Title: Kongareeska Mareeykanka oo diiday in qaxootiga Syria la keeno Mareeykanka
Posted by:galmada Net
Published :2015-11-21T04:40:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Kongareeska Mareeykanka oo diiday in qaxootiga Syria la keeno Mareeykanka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 21, 2015 and have 0 comments