Ma Rabtaa in aad Noqotid Qof laga daba cararo Oo La jecelyahay (Sifooyinkan Qaado)

Ma Rabtaa in aad Noqotid Qof laga daba cararo Oo La jecelyahay (Sifooyinkan Qaado)

 Hadii aad doonaysid in dadka dhan Ku jeclaadaan Oo aad rabtid in lagaa daba cararo waxaan kuu haynaa Talooyin wanaagsan ee qaado:-

1-Badi dhoola cadaynta, waji furnaanta “ muusoodka

2-Ka fogow muranka iyo dood badan ba waayo waa bilowga canaadka, colaada iyo kala gu’ida

3-Ula dhaqan dadka oo dhan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo adiga

4-Badi salaanta Mideeda wanaagsan, waayo walaaltinimada ayey xoojisaa

5-Isbar inaad dhagaysato qofka kula hadlaya,baro habka wax loo dhagaysto inta aadan baran habka loo hadlo

6-Iska jir qalbi adayga iyo calool adaay gaba waayo waa sifooyinka doqoniimada

7-Isbar dulqaadka iyo adkaysiga waayo waa laba sifo oo Rabigeen iyo Rasuulku csw ay jecel yihiin.

8-Si run iyo daacadnimo ku jirto u amaan qofkii u qalma adigoo ka iska ilaalinayo laba wajiilanimada, soo jiidasho iyo nifaaq ba.

9-Markaad fikrad soo bandhigayso qofka dareensii inay tahay wax aad wada leedihiin oo aanad ka fariidsanaynayn kana caqli badneyn

10-Badi saamaxaad iyo cafiska waayo waa nadaafada qalbiga iyo naftaba

11-Marka aad qof waaninayso ilaali dareenkiisa oo ha ku dhihin ereyo dhaawacayo qalbigiisa iyo naftiisa toona

12-Ha badin qosolka aan haboonayn– waayo qosolka aan macnaha lahayni haybada iyo daganaanta ayuu kaa qaadayaa,


thumbnail Title: Ma Rabtaa in aad Noqotid Qof laga daba cararo Oo La jecelyahay (Sifooyinkan Qaado)
Posted by:galmada Net
Published :2015-11-27T18:46:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ma Rabtaa in aad Noqotid Qof laga daba cararo Oo La jecelyahay (Sifooyinkan Qaado)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 27, 2015 and have 0 comments