MADXWEYNAHA RUUSHKA OO KU HANJABAY IN CAWAAQIB XUMO KA DHALAN DOONTO DIYAARADDA UU SOO RIDAY TURKIGA (SAWIRRO)

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si kulul kaga hadlay diyaaraddii militari ee maanta uu soo riday Turkiga, ka dib markii Turkigu uu sheegay in ay ku soo xadgudubtay hawadiisa.

Madaxweynaha Ruushka wuxuu si xoogan uu u beeniyay in diyaaradaasi ay ku duuleysay hawada Turkiga, isagoo taa bedelkeedana sheegay in 4km u jirta xuduuda Turkiga, oo ay ku duuleysay hawada Suuriya.

Wuxuu sheegay in tallaabada lagu soo riday diyaaradoodu ay tahay mid dhabarjebin ah, xilli ay waday buu yiri hawlgal ka dhan ah argagaxisada, isla-markaana ay arrintan keeni doonto cawaaqib xumo halis badan, oo ay ugu horeyso buu yiri xiriirka labada dal.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa joojiyay safar uU Arbacada berrito ah ku taggi lahaa dalka Turkiga, ka dib markii ay soo shaac-baxday soo ridista diyaaradda laga leeyahay Ruushka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka waxay sheegtay in ay dersi doonto jawaabtii laga bixin lahaa tallaabada lagu soo riday diyaaradda Ruushka.

Turkiga, ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Wadamada Gaashaanbuurto Nato, si looga jawaabo hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Ruushka. Turkigu waa xubin ka ah Nato.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo goor dhow ka hadlaayay Aqalka Cad, ayaa sheegay in Turkigu uu xaq u leeyahay in uu is difaaco, haddii hawadiisa buu yiri lagu soo xadgudbay.

Jarmalka, ayaa wuxuu ku baaqay in dulqaad ay sameeyaan Turkiga iyo Ruushka, lana xakameeyo xiisadda ka dhalatay burburka diyaaradaasi.

Xiisadan cusub ee soo korortay, ayaa waxaa baqdin laga muujinayaa in saamayn weyn, ay ku yeelato dagaalkii lagula jiray Ururka Daacish.