Magaalo Ay Ku Nool Yihiin Kaliya 5 Qof Iyo 6 Xayawaan Oo Loo Aqoonsaday Magaalada Adduunka Ugu Dad Yar

Magaalo ku taalla waddanka Maraykanka oo lagu magacaabo Molossia oo ka tirsan Gobolka Nevada ayaa waxa la sheegay in ay noqotay magaalada dalkaasi Maraykanka iyo adduunkaba ugu dad yar marka laga hadlayo tirada dadka iyo xayawaanka ku nool kadib markii la xaqiijiyey in magaaladaasi ay ku nool yihiin in ka yar 5 Qof iyo 6 Xayawaan oo kali ahi sidaana ku noqonayso magaalada ugu dadka yar dunida iyo gaar ahaan wadanka Maraykanka. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail oo arrinkan xiisaha leh wax ka qoray, Kevin Baugh oo ah aasaasaha Magaaladan ayaa warbaahinta u sheegay in aanu u arkin in ay tahay magaalo cidlo ah oo dadka iyo xayawaankuba ku yar yihiin balse uu u arko magaalo aan u baahnayn in ay dad kale soo cammiraan isaga oo sheegay in uu magaaladan aasaasay sannadkii 1977-kii illaa maantana ay kaliya ku nool yihiin isaga (Kevin Baugh) oo ah aasaasaha Magaaladan, xaaskiisa iyo saddex caruur ah oo ay dhaleen halka ay sidoo kale Magaaladan kula nool yihiin 6 xayawaan oo kala ah Laba Bisadood, Laba Ey iyo 4 xayaan oo kale oo isugu jira Shimbiro iyo xayawaano kale.
Kevin Baugh oo ka warramayay sida ay ugu dhalatay fikradda uu magaaladan cidlada ah ku aasaasay dhawr iyo soddon sanadood ka hor ayaa sheegay in ay ahayd isaga oo habeen habeenada ka mid ah daawaday filim lagu magacaaco (Jiirkii Ciyayey) oo ku saabsanaa qisada dad kooban oo ku nool goob deegaan ah oo cidlo ah. “Waxaan dareemay in ay wanaagsan tahay in aad isaga baxdo oo aad ka dheeraato qaxarka iyo qaylada Magaalooyinka waaweyn. Sidaa darteed waxaan door biday in aan aasaaso magaalo yar oo kooban oo leh dukaamo iyo adeegyo dhinaca kaalmaha shidaalka ah oo ay wax ka iibsadaan dadka socotada ku soo maraa balse ay kaliya degan yihiin qoyskaygu” sidaa waxa yidhi Kevin oo warbaahinta kula hadlayay magaalada loo aqoonsaday in ay tahay magaalada adduunka ugu dad yar. Aasaasaha magaaladan Kevin Baugh waxa uu sheegay in maalintii uu dhidibada u tagaya magaaladan Illaa maanta ay kalidood qoyskiisu daganaayeen oo uu diiday in cid kale la soo degto maadaama uu isagu leeyahay mulkiyadda dhulka ay bed ahaan ku fadhido magaaladani.
Kevin Baugh ayaa diiday in cid kale la wadaagto degitaanka magaaladan waxaanu isaga oo arrinkaasi ka hadlaya yidhi: “Waan diiday in aan cid kale ku casuumo ama u ogolaado in ay ila soo degaan oo ay guryo ka dhistaan. Waayo magaalada Molossia waa magaalo madax banaan oo ay qoyskaygu iska leeyihiin”. Molossia waa magaalo wax yar u jirta Magaalada Reno ee Gobolka Nevada waxaana loo kala socdaa wax ka yar 56 daqiiqadood oo gaadhi ah. Waxa ay leedahay Kaalin Shidaal, Sanduuq Boosto, Laba Tukaan. Maqaaxi cunto iyo Guriga ay degan yihiin qoyska Kevin. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in aasaasaha magaaladani uu ku dhawaaqay in magaaladan uu u aqoonsaday Jamhuuriyad gaara oo ku dhex taalla Maraykanka oo aan aqoonsi lahayn. Isaga oo samaystay calan gaar ah iyo shaabad gaar ah isaga oo afaafka magaaladan laga soo galo ku dhejiyey boodh ay ku qoran tahay Jamhuuriyaddii Molossia (Republic of Molissia).