NICHOLAS KAY OO XILKA LAGA QAADAY IYO MICHAEL KEATING OO LAGU BEDELAY

Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, Ban Ki-moon, ayaa Michael Keating u magacaabay inuu noqdo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya.

Wakiilka, ayaa wuxuu xilkan la wareegi doonaa ka dib laba sano iyo bar oo uu soo haayay Nicholas Kay, oo shaqadan la wareegay bartamihii sanadkii 2013-ka.

Daba yaaqada sanadkan, ayaa waxaa lagu wadaa in si rasmi ah uu ninkan ula wareego Xafiiska UNSOM ee Magaalada Muqdisho. UNSOM ayaa la aas aasay bishii June, 2013.

Marka laga hadlaayo taariikhdan ninkan oo u dhashay dalka Britain, ayaa ku dhashay Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda, sanadka marka uu ahaa 1959-kii, iyadoona uu wax ku soo bartay dalkaasi Britain.

Sidoo kale waxa uu muddo dheer uu la soo shaqeeyay Qaramada Midoobe, isla-markaana wuxuu ka soo hawlgalay dalalka Afghanistan, Pakistan, Malawi iyo Israel.

Shaqada ugu weyn ee hortaala, ayaa waxaa weeye dhameystirka xilliga kala guurka Somaliya, oo lagu wado in doorasho guud ka qabsoomto sanadka soo socdo iyo dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka.