Ruushka oo Diyaaradihiisa ugu casrisan u adeegsaday Duqeyntii ugu cusleyd ee Siiriya [Daawo]

Dowlada Ruushka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay duqeyntii ugu xooga badneyd la beegsaday xarumaha kooxda ISIS (Daacish) ku leedahay dalka Siiriya gaar ahaan magaalada Raqqa.

Ruushka ayaa duqeyntiisii ugu danbeysay u adeegsaday diyaaradihiisa ugu casrisan ee xambaari kara hubka nukliyeerka, kuwaasi oo gantaalada loo yaqaan Cruse missiles iyo bambaanooyinka culus ku duqeeyey lix goobood oo kala duwan.



Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadii sheegay inay sare u qaadi doonaan duqeynta ay la beegsanayaan ISIS kadib markii la xaqiijiyey in kooxdaasi ka danbeysay burburkii diyaaradii Ruushka laga lahaa ee ku soo dhacday dalka Masar 31kii bishii Oktoober.