Soomaaliya Oo kaalinta Hore ka gashay Xasuuqa Dareenka Gabdhaha (Gudniin Fircooniga)

Qiyaastii 6.5 milyan gadhaha iyo dumarka Soomaaliyeed ayaa lagu sameeyaa gudniinka fircooniga ah/googoynta (FGM/C) — oo sidoo kale loo yaqaano gudniinka dumarka — sida laga soo xigtay warbixin cusub oo ay soo saartey hay’adda Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF).

Inkasta oo taageerada nidaamkan ay sii yaraaneeyso, warbixintu waxay sheegaysaa in 98% dumarka Soomaaliyeed ee da’doodu u dhexeeyso 15 iyo 49 la jaray ama la googooyay — taas oo ah tirada ugu badan boqolkiiba shakhsiyaadka dunida.
Waxaa intaas dheer, warbixintu waxay sheegaysaa in gudniinka dumarku uu Soomaalida ugu badan yahay xitaa waddamada uu dhaqankan ku yaryahay.
Tusaale ahaan, 74% dumarka Itoobiyaanka ah oo da’doodu tahay 15 illaa 49 ayaa lagu sameeyay farsamadan, inkasta oo 97% dumarka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya lagu sameeyay. Kaliya 27% dumarka Keenyaanka ah ee da’daas jira ayaa lagu sameeyey FGM/C, laakiin dumarka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool xadkoodu waa 98%.
Waddanka Jabuuti, oo inta badan dadka ku nool ay yihiin Soomaali asal ahaan, waxaa la guday dumarka 93%. Waddanka Tansaaniya, waxaa la guday dumarka 15%.
Warbixintan waxay ku saleeysan tahay Daraasaadka Dadka iyo Caafimaadka, oo taageero ka heshay Haya’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga (USAID), iyo Sahanka Tilmaamayaasha Badan ee UNICEF oo la qaadayey labaatankii sano ee la soo dhaafey.
Hiddo iyo dhaqan Soomaaliyeed oo aad u xididaystay
Inta badan waddamada uu ku badan yahay FGM/C, waxaa nidaamkan fuliya dhakhtar dhaqameedyo, iyaga oo jara xubnaha taranka dumarka oo ka soo gooya hilib — inta badan kintirka iyo dibnaha gudaha.
Marmarka qaar, geesihii la jaray ee dibnaha ayaa la isku tolaa si loogu daboolo kaadi haysta iyo duleelka taranka haweenka, iyadoo uun loo banneeyo in ku filan kaadida iyo dhiigga caadada, waana in dib loogu furo galmada iyo dhalmada. FGM/C noociisan, oo la yidhaahdo “tolniinka” ama “gudniinka fircooniga”, ayaa ah nooca ugu badan Soomaaliya, kaas oo saameeya 63% dumarka la gudo.
Gudniinka fircooniga ayaa aad ugu xididdeeystay hiddaha iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, ayay tidhi Sacdiya Cabdulqaadir, oo ka shaqeeysa Xarunta Horumarinta Dumarka Soomaaliyeed. Fikrado diimeed oo qaldan iyo dhaqannada bulshada ayaa loo adeegsadaa in lagu banneeysto dhaqankan, ayay tidhi.
“In kasta oo ay dadaal u galeen hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ururrada badbaadada carruurta in ay ciribtiraan dhacdadan gudniinka dumarka, dhaqankan ayaa wali aad ugu baahsan dalka oo dhan,” ayay u sheegtay Sabahi.
“Waalid badan ayaa aaminsan inuu dhaqankani ilaaliyo aadaabta gabdhahooda,” ayay tidhi. “Qaar kale ayay ka dhaadhacsan tahay inuu xaqiijinayo in ay gabdhuhu bikro ahaadaan illaa laga guursanayo.”
“Waxaan ugu baaqeeynaa hoggaamiye-diimeedyada in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku tirtiri lahaayeen fikirkan qaldan ee baahsan ee qaba in gudniinka dumarku uu yahay waajib diimeed iyo in ay sheegaan in gudniinka dumarku uusan ahayn arrin diimeed,” ayay tidhi.
Dastuurka Soomaaliyeed wuu mamnuucay gudniinka dumarka, balse Muna Cabaas Maxamed, oo ah ardayad 25-jir ah oo dhigata Kuliyadda Kalkaalisanimada ee Jaamacadda Plasma ee Muqdisho, ayaa sheegtay in dhaqankan in looga hortago sharciga aysan sahlanayn.
“Sharciga kaligiis kuma filna inuu joojiyo gudniinka dumarka waayo way adagtahay in la baddalo dhaqanno la soo dhaxley iyada oon bulshada la barin halista lala xidhiidhiyo dhaqankan,” ayay u sheegtay Sabahi, iyada oo adkeeysay muhiimadda ay leedahay in lala tiigsado culimada dabar-goynta gudniinka dumarka.
“Ka hortagga dhacdadan kuma iman karto kaliya in hal-ku-dhagyo lagu dhawaaqo iyo in qoraallo la qoro; waa inaan codadkeena kor u qaadnaa iyaga oo si cad uga soo horjeeda gudniinka dumarka, waana in hoggaamiye-diimeedyada iyo kuwa qabiillada ay u hawl-galaan in ay bulshada wax baraan kuna wacyi-galiyaan bulshooyinka maxalliga ah khataraha dhaqankan,” ayay tidhi. “Waxaan hoggaamiyeyaasha diinta ku boorrineeynaa khaas ahaan in ay dadka u sharraxaan in tolniinku uusan raad ku lahayn Islaamka.”
Gudniinka dumarka ma ansaxinin diintu
Sheekh Abubakar Macallim Ibraahim, oo ah wadaad ku sugan Muqdisho, ayaa sheegay in gudniinka dumarku uusan wanaagsaneeyn uusanna ahayn waajib diimeed ama wax la iska rabo.
“Gudniinka dumarku ma ahan waajib la jecelyahay ama sunno, nabiguna (NNHK) wuu canaantey dumarka hawshan fuliya wuxuuna ku amray in ay sameeyaan dhiijinta kaliya,” ayuu u sheegay Sabahi.

Dhiijinta waa “gudniinka dhiggiisa”, nooc ah goyn sii dhiig looga keeno, laakiin aan wadan wax jarjarid ah ama in si waarta loo baddalo xubnaha taranka dumarka ee jidhka dibaddiisa ah. Inkasta oo gudniinka dhiggiisa loo arko nooc ka mid ah FGM/C, wuu ka dhibaato yaryahay waxaana meelaha qaar loogu soo jeediyay in lagu baddalo noocyada aadka u daran.

Ibrahim wuxuu sheegay in Quraanka wax ku qoran aan loo adeegsan karin gudniinka fircooniga ah. “Ma jirto xusid ama qoraal ku jira Quraanka muqaddaska ah oo sheegaya gudniinka, xadiisyada ku saabsan gudniinka dumarkana waa kuwo daciif ah,” ayuu yidhi.

“Ma lahan qiimo bulsheed wuxuuna xaqiiqdii ka hor-imanayaa mabda’yada shareecada Islaamka sababta oo ah wuxuu u keenaa dhibaato — mid jidhka ah iyo maskaxeedba — caafimaadka gabdhaha,” ayuu yidhi. “Sababtan awgeed, waa in laga fogaado si looga hortago dhibaatada loona raaco casharrada Islaamka oo dambi u arka in dhibaato dadka loo geeysto nooceey noqotaba.”

Cabdulrasaaq Xasan, oo dhaqtarka dumarka iyo dhalmada ka ah Isbitaalka Dhalmada iyo Carruurta ee Banaadir ee Muqdisho, ayaa sheegay in gudniinku halis galinayo caafimaadka dumarka.

“Gudniinku wuxuu waxyeello u keenaa caafimaadka dumarka, sida jirrada kaadi-haysta iyo jirrooyinka dumarka iyo jeermis gala jidhka dumarka,” ayuu u sheegay Sabahi.

“Inta badan, gudniinku wuxuu keenaa dhiig-bax badan, sidoo kale dhowrka maalmood ee u horreysa ka dib marka la qalo, gabdhaha waxaa ku adkaada inay kaadiyaan xanuunka saa’idka ah dartiis iyo meeshii ay kaadidu maraysay oo yaraatey,” ayuu yidhi. “Markay qaan-gaadh noqdaan, dhiigga caadada ayaa aad u xanuujiya sababtoo ah gabdhaha waxaa ku dhaca caabuqyo halis ah, waxaase ka daran dhibaatooyinka ka yimaada marka dhalmada, waayo gudniinku wuxuu keenaa dhibaatooyin yimaada marka dhalmadu socoto oo keeni kara geerida hooyada.”

Xaalad xanuun badan oo nabarro reeba
Leila Cabdiraxman, 21 jir, waxay caafimaadka ka dhigataa Jaamacadda Banaadir. Waxay sheegtay in gudniinku uu ku ahaa xaalad aad u xun.

“Waligey ma hilmaami doono,” ayay u sheegtay Sabahi. “Waxaan jiray sagaal sano markay gurigeena yimaadeen dhowr dumar ah, dariska qaar iyo qaraabada qaar.”

“Hooyadeey ayaa igu amartay inaan dhabarka u seexdo,” ayey tidhi. “Daqiiqado ka dib, dumarkii qaar ayaa dhulka igu celiyay iyada oo ay mid ka mid ahna gacanteeda xoog iiga saartey afka si ay iiga celiso inaan qeyliyo. Naag kale oo haysay maqas iyo mindi ayaa qeyb ka goysay xubnaheeyga taranka.”

“Wali waan xasuustaa intuu la ekaa xanuunkii aan dareemay markii ay hawshan socotay, waxaanan kala kulmaa gudniinka dhibaato maadaama aan xanuun badan iyo caabuq qaado markaan caadada qabo,” ayey tidhi Cabdiraxmaan. “Waxaan hooyooyinka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay ogaadaan dhibaatooyinka waaweyn ee caafimaad ee lala xidhiidhiyo gudniinka. Waa inay dhaqanka isaga tagaan.”

Inkasta oo ay jirto halistu, hooyooyin badan ayaa ku adkeeysta in gabdhahooda la gudo.

Naciima Axmed waxay sheegtay in ay dooneyso in saddexdeeda gabdhood la gudo sababta oo ah ma rabto inay noqoto qofka kaliya oo iska dhaga tira caadada bulshada.

“Walaalahey, ilma adeeradeyda gabdhaha ah iyo aniga waa nala guday, sida loo guday dhammaan dumarka aaggeena,” ayey hooyada 32-jirka ah u sheegtay Sabahi. “Haddii aan gabdhaheeyga dhaafo anoon gudin, waxaa u imaneeysa sharaf darro, aflagaado iyo cay uga imaneeysa saaxibadooda la guday. Uma oggolaan karo gabdhaheeyga inaan la gudin haddii aysan bulshadoo dhan sidaas sameeyneeyn.”
Laakiin Yaasmiin Maxamed, 31 jir, ayaa qeexday sababta aysan ugu kalifeyn gabdhaheeda gudniinka.

“Waxaan leeyahey saddex gabdhood, ma gudin waligeyna ma gudayo mid ka mid ah sababtoo ah ma rabo mana oggoli googooynta gabdhaheeyga ama inaan masuul ka ahaado jarjarka xubnahooda taranka,” ayey u sheegtay Sabahi.

“Gudniinka dumarku waa dhaqan waxyeello wata oo dhibaato ku ah waddankeena, waddamada Muslimka intooda badan, sida Saudi Arabia and iyo waddamada kale ee Carabta Khaliijka, ma yaqaanaan dhaqankan,” ayey tidhi. “Maxay Muslimiinta waddamadan uga tagayaan caado muhiim u ah ee Islaamku uu leeyahay ama sunnada haddi uu gudniinka dumarku saas yahay?”
Maxamed ayaa dhaleeceeysay fikradda ah in gudniinku uu gabdhaha ka dhowro anshaxa xun. “Tani waa fikrad aan sax ahayn,” ayey tidhi. “Gudniinku door kama ciyaaro ilaalinta aadaabta gabdhaha. Taa baddalkeed, korriino wanaagsan ayaa ku filan inay gabadha ilaaliso.”