Australia oo dad horleh u qabatay weeraro dalkeeda ka dhici lahaa

Dowlada Australia ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay inay qabteen 2 nin oo xariir lalahaa koox dhalinyaro ah oo ay horey booliiska u qabteen kuwaasi oo doonayey inay weeraraan xarumaha Booliiska ee dalkaasi.

Tirada guud oo ay dowlada Australia xabsiga u taxaabtay ayaa hada gaareysa 13 qof oo uu ku jiro wiil 15 sano jir ah, kooxdan ayaa laga warhelay sanadkii lasoo dhaafay xili ay qorsheenayeen weeraro ay ku qaadaan xarumaha hay’adaha amaanka ee dalkaasi.



Baaritaan dheer oo lagu sameeyey xog iyo computerada laga helay guryaha ay degenaayeen ragaasi sanadkii hore la qabtay ayaa lagu ogaaday xiriirka qarsoodiga ah ee ka dhaxeeyey dhalinyarada maanta lasoo qabtay.