Belgium oo xirtay dad qaraxyo qorshaynayay

Booliiska dalka Belgium ayaa xiray labo ruux oo looga shakisanyahay in ay qorshaynahayeen in ay magaalada Brussels weerar ku qaadaan iyaga oo bartilmaameedsanaya xalfaddaha sanadka cusub.
Qaybo ka mid ah dalka ayaa laga fuliyay hawlgalo Axaddii iyo Isniintii sida ay sheegeen saraakiishu.
Booliiska ayaa qabtay dhar millitari iyo waxyaabo borobogaandada loo adeegsado, laakiin lama helin hub ama waxyaabaha qarxa.
Belgium ayaa la galiyay feejignaan sare tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii13 November ka dhacay caasimadda Faransiiska ee Paris.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii ku lugta lahaa qaraxaasi ayaa loo malaynayaa in ay saldhig u ahayd Belgium.
Dadkan la tuhunsanyahay ayaa lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadi rabeen bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaala magaalada Brussels iyo booliiska sida ay baahisay warbaahinta Belgium ee RTBF.