DAAWO: Bulshada Mareykanka oo Mucjiso la tusay & dad badan oo dhintay..

Ugu yaraan 43 qof ayaa ku dhintay duufaano iyo fatahaad ka dhacday qaar kamid ah gobalada Maraykanka iyadoo la filayo in tirada khasaaraha intaasi kasii badato.


Cimilada isbedalaysa ee sanadkan ayaa lagu tilmaamay inay la xariirto El nino oo dhowrkii sanadood saameyn ku yeelata cimilada caalamka oo dhan, taasi oo loo aaneenayo fatahaada ka dhaceysa wabiyada qaaradaha kala duwan sida Maraykanka, Latinka iyo Yurub.



Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda duufaan baraf wadata ay ku dhufato gobalka New Mexico ee dalkaasi Maraykanka arrintaasi oo ay dowlada shacabka uga sii digtay.



Gobalada Texas, Illinois iyo Missouri ayaa kamid ah goobaha ay khasaarada ugu badan ka dhacday, waxaana burbur soo gaaray guryo badan oo ay ku habsatay dabeysha loo yaqaan TORNADO oo cagta marisay dhul aad u balaaran oo kamid ah waqooyiga gobalka Texas.


Halkaan Riix oo Daawo Muuqaalka