Dawo deg deg ah ka hel biya cabista adiga oo baahan -Xog caafimaad

Dawo deg deg ah ka hel biya cabista adiga oo baahan -Xog caafimaad

Waxa ay noqotay wax caada ah dalka Japan maanta inay dadku biya badan u cabaan si toos ah markay hurdada ka kacaan aroortii iyada oo ay calooshoodu madhan tahay, Taas oo ku timid iyada oo ay ogaatay jamciyad caafimaadka ku hawlan oo dalkaas ku taal. Guusha ayaa ah in biyaha lagu daawayno karo xanuuna badan oo aan laga bogsan oo khatar ah iyo sidoo kale kuwo meel hexaad ahba. Xanuunada aan hoos ku soo qorayno ayaa daawayntanuna tahay mid lagu guulaysanayo 100%, kuwaas oo kala ah:
Madax wareerka, xanuunka jirka, xanuunada wadnaha, infection ka xaglaha, Darbadaha xawliga wadnaha, suuxista, buurida xad dhaafka ah, TP- da, xiiqda, infection ka mareenada, meningitis ka, xanuunka kelyaha iyo mareenka kaadida, hunqaacada, infection ka caloosha, Shubanka, bawaasiirta, sonkoriga, calool fadhiga, dhamaan xanuunada indhaha, xanuunada ilmagaleenka, kudka, dhibta dhiiga dumarka, xanuunada dhegaha iyo sanka iyo hungriga.
Sida laysugu daawaynayo
1 – Si deg deg ah markaad kacdo aroortii intaadan cadayan cab afar koob oo biya ah qiyaastii 160ml.
2 – Dabadeedna cadayo oo afkaaga nadiifi laakiin waxna ha cunin waxna ha cabin ilaa mudo 45 Daqiiqo ah.
3 – Markay dhamaato 45 ka daqiiqo sidii caadada kuu ahayd baad waxna u cuni kartaa una cabi kartaa waxaad doonto.
4 – ka dib 15 Daqiiqo marka aad quraacato iyo sidoo kale markaad qadayso iyo markaad. cashaysoba waxba ha cunin hana cabin ilaa iyo mudo 2 Saacadood ah.
5 – Xaga dadka da’da ah ama bukaanka ah ee aan cabi karayn afar koob oo biya ah, ha cabeen marka hor biyo yar dabadeedna, talaaba talaabo ha u kordhiyeen ilaa ay gaadhsiiyaan Afar koob maalin kasta.
6 – Asluubtan daawaynta ah ee aan kor ku cadaynay waxay ay bogsiinaysaa bukaanka qaba xanuunadaa aan soo sheegnay hadii Allaah tacaalaa u idmo, Dadka se aan qabin xanuunadaa Allaah ha ka hayo oo ha siiyo Nolol Caafimaad ah oo wanaagsan Inshaa Allaah.


thumbnail Title: Dawo deg deg ah ka hel biya cabista adiga oo baahan -Xog caafimaad
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-22T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dawo deg deg ah ka hel biya cabista adiga oo baahan -Xog caafimaad



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 22, 2015 and have 0 comments