Dilal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Muqdisho

Dilal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Muqdisho

Toogasho ayaa goor dhowayd ka dhacday xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in dabley baabuur wadata inay toogteen nin la socday baabuur kale. Ninkaasi ayaa wararku sheegayaan inuu goobta ku geeriyooday.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa xubin ka tirsanaa hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya. Weli lama yaqaan magaciisa. Warar kale ayaa iyagu beeniyey in ninkaasi uu ka tirsanaa hay'adda nabad sugidda.

Sidoo kale, qof u shaqeynayey Bankiga Dhexe ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, halka qof kalena uu ku geeriyooday shil baabuur.

Jamaal Axmed Cusmaan oo ku sugan Washington ayaa dhacdooyinkan ka wareystay weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir OK.

Dilal ka dhacay Muqdisho


thumbnail Title: Dilal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Muqdisho
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-22T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dilal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Muqdisho



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 22, 2015 and have 0 comments