DIYAARADDA TURKISH AIRWAYS OO MAANTA BAAJISAY DUULIMAAD AY KU TAGGI LAHEYD MUQDISHO, SABABO AMNI AWGEED

DIYAARADDA TURKISH AIRWAYS OO MAANTA BAAJISAY DUULIMAAD AY KU TAGGI LAHEYD MUQDISHO, SABABO AMNI AWGEED

Diyaaradda Turkish Airways oo maalin kasta duulimaad ku tagta Magaalada Muqdisho, ayaa waxay markii ugu horeysay ay baajisay safarkii ay ku taggi laheyd Muqdisho, sababo amni awgeed.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay iyadoo xalay laba doomood lagu soo weeraray Garoonka Aadan Cadde, taasoo maanta yareysay mashquulkii maalinlaha ahaa, ee ka jiray Garoonka.

Afhayeen u hadlay Amisom, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Amisom ay ka hortaggeen weerarkaasi, markii ay caabiyeen xoogag la socday doomahaasi.

Shirkadda Turkish Airways oo la soo xiriirtay Maamulka Garoonka Aadan Cadde, ayaa weydiisatay in fasiraad laga siiso shaqaaqadii xalay ka dhacday Garoonka, laakiin lagala soo raagay jawaabtii ay dooneysay.

Caweysnimadii xalay, ayaa rasaas culus laga maqlay Garoonka Aadan Cadde, waxaana markale rasaas culus laga maqlay 2:30, xilli ay inta badan hurdeen shacabka reer Muqdisho.

   
thumbnail Title: DIYAARADDA TURKISH AIRWAYS OO MAANTA BAAJISAY DUULIMAAD AY KU TAGGI LAHEYD MUQDISHO, SABABO AMNI AWGEED
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-15T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DIYAARADDA TURKISH AIRWAYS OO MAANTA BAAJISAY DUULIMAAD AY KU TAGGI LAHEYD MUQDISHO, SABABO AMNI AWGEED



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 15, 2015 and have 0 comments