DOWLADDA SOMALIYA OO SI KU MEEL GAAR AH U JOOJISAY DIIWAANGELINTA JAAMACADAHA CUSUB

DOWLADDA SOMALIYA OO SI KU MEEL GAAR AH U JOOJISAY DIIWAANGELINTA JAAMACADAHA CUSUB

Dowladda Federaalka Somaliya, ayaa waxay si ku meel gaar ihi ay u joojisay diiwaangelinta Jaamacadaha Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la aqoon mudada ay hakadka ku jiri doonto diiwaangelinta Jaamacadaha cusub.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Khadra Bashiir Cali, ayaa waxay maanta sheegtay in Dowladdu ay hakad gelisay diiwaangelintii Jaamacadaha laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Wasiiradda, ayaa waxay sababta ku sheegtay in ay kontorool ku hayaan qaababka ay ardayda wax u baraan Jaamacadaha iminka ka jira Magaalada Muqdisho, illaa iyo inta uu kontoroolkaasi ka socdana aanay diiwaangelin doonin Jaamacado cusub.

Waxay kaloo sheegtay inay muhiim tahay in Dowladdu ay ogaato nooca waxbarashada ay bixiyaan Jaamacadaha, si mid tayo leh ay u noqoto waxbarashada ardayda Somaliyeed.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu tilmaamaa Magaalada keliya ay ka jiraan tobonaan Jaamacado ah, kuwaa oo intooda badani gaar loo lee-yahay.



thumbnail Title: DOWLADDA SOMALIYA OO SI KU MEEL GAAR AH U JOOJISAY DIIWAANGELINTA JAAMACADAHA CUSUB
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-27T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DOWLADDA SOMALIYA OO SI KU MEEL GAAR AH U JOOJISAY DIIWAANGELINTA JAAMACADAHA CUSUB



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 27, 2015 and have 0 comments