FAAH FAAHIN KA SOO BAXEYSA QARAXII MAANTA KA DHACAY WADADA MAKA AL MUKARAMA (DAAWO SAWIRADA)

Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhimatay, halka sideed kalana ay ku dhaawacantay qarax gaari oo maanta ka dhacay wadada halbowlaha ah ee Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo la soo dhigay agagaaraha Carwada Alkowthar, ayaa sameeyay jug aad u xoogan oo laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho. Sidoo kalana waxaa uu sababay burbur soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaala.

Qaraxan, ayaa laga maqlay wadadaasi wax yar uun ka dib, markii uu isku day dil ka badbaaday Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa xooganaa, ee maanta ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama, balse weli maynaan sheegan weerarka uu ka badbaaday Cirfo.

Al Shabaab, ayaa waxay sheegatay in qaraxaasi ay ku beegsatay Saraakiil Ciidamada Dowladda ka tirsan, isla-markaana ay waxyeelo kala duwan ugu gaysatay.

Warbaahnta afka Al Shabaab ku hadasha oo lagu baahiyay sheega-shada masuuliyadda qaraxaasi, ayaan dhinaca kale wax faah faahin ihi looga bixin, balse waxay Shabaabku sheegeen inay dib ka soo faah faahin doonaan.

Illaa iyo hadda waxaan jirin wax war ah oo Dowladdu ay ka soo saartay qaraxaasi, balse laamaha ammaanka ayaa waxay wadaan baaritaano la xiriira.