Garoonka Muqdisho Oo Gaabis U Shaqeynaya

Garoonka Muqdisho Oo Gaabis U Shaqeynaya

Hawlaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta gaabis galay kadib weerar la fashiliyey oo la sheegay in xalay lala damacsanaa garoonka.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in ugu yaraan laba doonyood ay usoo dhowaadeen garoonka iyaga oo rasaasna riday. Ciidamada AMISOM ayaa ka jawaabay waxana la sheegay inay ku qasbeen doonyahahaasi inay baxsadaan.

Si kastaba, mas'uuliyiinta garoonka ayaa beeniyey in doonyo ay soo weerareen garoonka, waxaana ay sheegeen in doonyaha xalay la xabadeeyey ay ahaayeen kuwo kalluumeysi oo lagu qaldamay.

Furitaanka garoonka ee maanta ayaa la sheegay inuu hakad galay saacadihii hore, waxaana dib u dhac ku yimid mid ka mid ah duulimaadyada shirkadda Turkish Airlines oo lagu waday inay maanta timaado garoonka diyaaradaha. 

Qaar ka mid ah rakaabka saarnaa diyaaradda ayaa VOA u sheegay in loo sheegay in la hakiyey duulimaadkii diyaaradda ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo aan sababta loo sheegin. 

Ma cadda haddii uu wax khasaare ah ka dhashay iska horimaadkaasi, sidoo kale ma cadda cidda ka dambaysay isku dayga weerarkaasi.


thumbnail Title: Garoonka Muqdisho Oo Gaabis U Shaqeynaya
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-15T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Garoonka Muqdisho Oo Gaabis U Shaqeynaya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 15, 2015 and have 0 comments