ISBAAROOYIN GAADIIDKA LACAGO LOOGA QAADO OO LA SOO DHIGAY WADADA ISKU XIRTA MUQDISHO IYO DEGMADA WARSHEEKH

ISBAAROOYIN GAADIIDKA LACAGO LOOGA QAADO OO LA SOO DHIGAY WADADA ISKU XIRTA MUQDISHO IYO DEGMADA WARSHEEKH

Isbaarooyin hor leh ayaa la soo dhigay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Degmada Warsheekh.

Gaadiidka ka ambabaxa Muqdisho ee aado Warsheekh iyo deeganada kale ee ku dhaw ayaa laga qaadaa lacago badan sida ay sheegayaan masuuliyiinta. 

Xoghayaha guud ee degmadaasi Cabdullaahi Sheekh ayaa sheegay in aysan marnaba raali ka ahayn lacago laga qaado gaadiidka dadweynaha, isaga oo sheegay in lacagahaasi ay qaataan ciidamo Milatari ah oo dowladda Federaalka halkaasi geysay.

Xilligaan ayuu sheegay in aysan habooneen in dadka safarka ah lacago laga qaato waxaana uu ku baaqay in shacabka loo turo.

“Waxaa soo batay isbaarooyinka lacagaha loo qaato gaadiidka ee yaalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Warsheekh, gaadiidka aad bay taasi uga cabanayaan, waxaana rabnaa ka maamul ahaan in dadka loo turo, dowladda Soomaaliya waxaan leenahay ciidankaan haloo soo taliyo sidaan xal ma ahane” ayuu yiri xoghayaha maamulka degmada Warsheekh ee gobalka Shabellaha Dhexe.

Isbarooyinka la soo dhigto wadooyinka ayaa dhibaatada ugu badan waxaa ku qaba gaadiidleeyda oo laga qaado lacago badan. 


thumbnail Title: ISBAAROOYIN GAADIIDKA LACAGO LOOGA QAADO OO LA SOO DHIGAY WADADA ISKU XIRTA MUQDISHO IYO DEGMADA WARSHEEKH
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-13T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
ISBAAROOYIN GAADIIDKA LACAGO LOOGA QAADO OO LA SOO DHIGAY WADADA ISKU XIRTA MUQDISHO IYO DEGMADA WARSHEEKH



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 13, 2015 and have 0 comments