MAAMULKA GOBOLKA BARI OO SHEEGAY IN CULEYS AY KU HAYAAN DADKA OROMADA AH EE BOOSAASO KU NOOL

MAAMULKA GOBOLKA BARI OO SHEEGAY IN CULEYS AY KU HAYAAN DADKA OROMADA AH EE BOOSAASO KU NOOL

Maamulka Gobolka Bari ayaa cadeeyay inuu qaati ka taagan yahay dadka Oromada ah ee buuxa Magaalada Boosaaso, xilli ay jiraan dad badan oo Oromo ah oo ku sugan Magaalada Boosaaso, qaarkoodna ka shaqeeya, qaarkoodna doonaya inay ka sii tahriibaan.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ‘’Dhedo’’ ayaa tilmaamay inay shaqo u taallo ay tahay Maamulka Degmada Boosaaso iyo Golaha deegaanka sidii ay uga shaqeyn lahaayeen dadka Oromada ah ee Magaalada ku sugan in laga saaro.

‘’Waxaan rabnaa Golaha deegaanka bal Siyaasadii aan la lahaan lahayn magaalada waa nala ku haystaaye dadka loo yaqaan Oromada,waxaa weeye hormarkii lid bay ku yihiin,Caafimaadka lid bay ku yihiin,amnigii Lidi bay ku yihiin’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in Golaha deegaanka Boosaaso looga baahan yahay inay la yimaadan Siyaasadii dadkaa wax looga qaban lahaa.

‘’Degmada Boosaaso ayay joogaan waxa laga rabaa Golaha deegaanka Boosaaso Siyaasadii dadkaa wax looga qaban lahaa,hadaynu meel dajin lahayn iyo hadaynu dib u celin lahayn’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Wuxuu intaas ku daray "Go’aanka aad ka qaadatan waan fulinaynaa,culays na saaran oo aanan xamili karin weeye,xeeb ayaan joognaa xeebta noo keentay,go’aanka golaha deegaanka ayaa iska leh anana waan fulinaynaa’’.


thumbnail Title: MAAMULKA GOBOLKA BARI OO SHEEGAY IN CULEYS AY KU HAYAAN DADKA OROMADA AH EE BOOSAASO KU NOOL
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-07T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MAAMULKA GOBOLKA BARI OO SHEEGAY IN CULEYS AY KU HAYAAN DADKA OROMADA AH EE BOOSAASO KU NOOL



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 07, 2015 and have 0 comments