Mandheera: Soomaali difaacday Kenyaan kirishtaan ah ee saarnaa Bas al-shabab qabsadeen

Mandheera: Soomaali difaacday Kenyaan kirishtaan ah ee saarnaa Bas al-shabab qabsadeen

Dalka Kenya ayaa si weyn looga hadlayaa weerarkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Mandhera oo ay koox kamid ah Al Shabaab ku weerartay gaari bas ah oo ay saarnaayeen 62 Rakaab ah.

Maleeshiyaadka Al shabaab ayaa rasaas ku furay gaarigaasi si ay u joojiyaan waxaana halkaasi ku dhintay 1 qof, halka uu dhaawac kasoo gaaray afar kale.

Kooxda Al Shabaab oo gaarigaasi markii ay joojiyeen doonayey inay dadka u kala soocaan Muslimiin iyo Kenyaanka Kirishtaanka ah ayaa waxaa ka diiday Muslimiintii Baska saarnaa oo u badnaa Soomaalida gobalka degen oo diiday in Kenyaanka Kirishtaanka ah gooni loo sooco si ay kooxdaasi u disho.

Soomaalida ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in la dilo shacabka kamid ahaa rakaabka gaarigii ay saarnaayeen, arrintaasi oo la sheegay inay badbaadisay intii badneyd rakaabkii baskaasi.

Dadkii Soomaalida ahaa ayaa siiyey dhar gabdhaha halka qaar kamid ah nimankana ay siiyeen koofiyado, si aan loo kala garan.

Kooxda weerarka geystay ayaa sidoo kale intii ay weerarka wadeen dil u geystay askari Taraafiko ah oo ka tirsan saldhiga Ceel Waaq.

Guddoomiyaha Mandhera Ali Roba ayaa sheegay in tilaabada ay qaadeen muslimiinta ay badbaadisay in badan oo kamid ah rakaabkii baskaasi saarnaa.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey sidan oo kale kooxda AL shabaab weerar ay ku qaaday gaari bas ah oo u socday Nairobi ku xasuuqeen 28 Kenyaan u badan macalimiin ka shaqeysa gobalada Soomaalida ee waqooyi-bari Kenya.



thumbnail Title: Mandheera: Soomaali difaacday Kenyaan kirishtaan ah ee saarnaa Bas al-shabab qabsadeen
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-22T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Mandheera: Soomaali difaacday Kenyaan kirishtaan ah ee saarnaa Bas al-shabab qabsadeen



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 22, 2015 and have 0 comments