MAREYKANKA OO KA DIGAY WEERARO SHABAAB AY KA GEYSTAAN DALKA KENYA

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Kenya looga digaayo weeraro Shabaab ay ka geystaan dalka Kenya.

Mareykanka waxa uu sheegay inay Suuragal tahay Shabaab inay beegsadaan Wasiirada Ururka Ganacsiga Aduunka oo maanta shir uu kaga furmaayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxa ay ka digeen Mareykanka inay beegsadaan Shabaabka Hoteelada iyo Goobaha Bulshada isugu timaado Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Digniintaan Mareykanka ka soo baxday ayaa socon doonta ilaa 22-ka December ee Bishan aan iminka ku jirno.

"Goobaha Dadweynaha ay ku badan yihiin iyo shirka heer Wasiir ee Ururka Ganacsiga dunida waxay noqon karaan kuwo ay beegsadaan kooxaha argagixisada, muwaadiniinta Mareykanka waa iney feejignaan dheeri ah sameeyaan.”Ayaa lagu yiri qoraalka Waaxda Arimaha Dibada Mareykanka.

Al Shabaab ayaa horay u weeraray Magaalada Nairobi, gaar ahaan Suuqa Ganacsiga Westgate oo dad badan ku dileen Shabaabka, sidoo kale Shabaab weeraradii cuslaa ee Kenya ay ka geysteen waxaa ka mid ahaa kii Jaamacada Magaalada Gaarisa.