NIN SOMALI MAREYKAN AH OO KA SOO BAXSADAY AL SHABAAB OO LAGU XIRAY DALKA SOMALIYA -

Maxamed C/laahi Xasan (Miski) oo ah muwaadin Somaliyeed, balse haysta dhalashada dalka Mareykanka, ayaa waxaa lagu xiray dalka Somaliya, ka dib markii uu ka soo cararay Ururka Al Shabaab.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in ninkaasi uu bishii November isku soo dhiibay Ciidanka Sirdoonka ee Dowladda Somaliya.

Warbixinta laguma sheegin goobta rasmiga ah ee uu ninkaasi ku xiran yahay, balse waxa uu sanadkii 2007-dii uu ka tagey Gobolka Somalida Mareykanka ku badan tahay ee Minesota, isagoona markaa u safray dalka Somaliya, si uu ugu biiro Al Shabaab.

Maxamed C/laahi Xasan, ayaa wuxuu la shaqeeyay Ururka Daacish, isagoo markaasi ku sugan dhul ay ka arrimiso Al Shabaab, iyadoo uu si weyn u adeegsan jiray barraha ay bulshada ku wada xiriirto, oo sida la sheegay uu ku baahin jiray afkaar xagjirnimo.

Sidoo kale waxa uu dadaal badan u galay, sidii dagaal-yahano uu Ururka Daacish uu kaga qori lahaa dalka Mareykanka, waxaana uu dhalinyarada uu ku boorin jiray in ay Daacish u dagaalamaan.

Miski, ayaa wuxuu noqday ninka Somali Mareykanka ah ee loogu doon doonista badan yahay, marka loo eeggo Somalida ka tagtey dalkaasi ee ku biirtay Daacish.