NISA OO SOO BANDHIGTAY MAGACYADA LABA NIN OO IRAN U DHASHAY OO SHIICAYN KA WADAY MAGAALADA MUQDISHO -

Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay soo bandhigtay magacyada iyo dokumentiyada laba nin oo u dhashay dalka Iran, kuwaa oo mad-habta Shiicaynta ka waday Magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay NISA, uuna ku saxiixnaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, Korneyl C/xakiin Axmed Farey, ayaa waxaa looga hadlay rag Magaalada Muqdisho ka waday baahinta mad-habka Shiicaynta.

Qoraalka NISA, ayaa u qornaa:-

Hawlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad sameynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.

NISA waxay ku daba jirtay barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqiidada umadda, iyo dalka.

Hay’adda Al-khumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulajeedadiisu tahay fidneynta umadda Soomaaliyeed ee suniyiinta ah.

Faah Faahin:-

Magaca Mashruuca: Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta hadiyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.

Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iran raacsan.

Mas’uuliyiinta Iran

Muxsin Xuseen

Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin

Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.

Midda kale hay’adda Al-khumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Moawliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.

Gabgabo

Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaanay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay madhabkii Suniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.

Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijtooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna golleeyahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.

Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xiriir wada shaqayn ah lala.

Nimankaan fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.

Sidoo kale waxaa jira hawlgallo ay ka sameeyaan gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.

Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.