QARAX KA DHACAY GOOB LAGA RAACO TAREENADA DHULKA HOOSTIISA MARA EE MAGAALADA ISTANBUL (SAWIRRO)

QARAX KA DHACAY GOOB LAGA RAACO TAREENADA DHULKA HOOSTIISA MARA EE MAGAALADA ISTANBUL (SAWIRRO)

Jug weyn, ayaa xalay laga maqlay wado ku dhow goob laga raaco tareenada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ugu yaraan shan qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacantay qaraxaasi, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Istanbul.

Iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan waxa sababay qaraxaasi, ayaa waxay hadana Warbaahinta Turkigu ku sheegtay mid ka dhashay bam wadada dhinaceeda la dhigay.

Laamaha ammaanka ee Magaaladaasi, ayaa waxay weli ku mashquulsan yihiin baaritaanada la xiriira waxa dhabta ihi ee dhaliyay qaraxaasi, mana jirto wax war ah oo ay illaa iyo hadda ka soo saareen.

Dowladda Turkiga, ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ku jirtay xaalad feejignaan ah, ka dib markii laba qarax ay bishii October ka dhaceen Magaalada Ankara, dad fara-badana ay ku dhinteen.






thumbnail Title: QARAX KA DHACAY GOOB LAGA RAACO TAREENADA DHULKA HOOSTIISA MARA EE MAGAALADA ISTANBUL (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-02T14:14:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
QARAX KA DHACAY GOOB LAGA RAACO TAREENADA DHULKA HOOSTIISA MARA EE MAGAALADA ISTANBUL (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 02, 2015 and have 0 comments