RA'IISUL WASAARAHA, MADAXWEYNAHA PUNTLAND, MADAXWEYNAHA GALMUDUG IYO MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO MUQDISHO KU SOO WAJAHAN

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Wafdi uu hogaaminaayo Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayna ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Xubnaha wafdigaan oo waayahan dambe Gaalkacyo ku sugnaa, ayaa ujeedada ay u imaanayaan Magaalada Muqdisho waxa ay tahay ka qaybgalka shir lagu iclaaminaayo nooca doorasho ee Somaliya ka dhaceysa.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa dhawaan soo gaba gabeysay shirar looga hadlaayay aragti uruurinta Bulshada ku nool Gobolada dalka Somaliya, taasi oo ku aadan nooca doorasho ee Somaliya ka dhaceysa.

Shirkaan ayaa la filayaa inuu ka qabsoomo Magaalada Muqdisho, ayna ka qaybgalaan Madaxdaasi imaanaysa, iyadoo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed la filaayo isna inuu yimaado Muqdisho.

Sanadka 2016-ka oo fooda inaga soo haya, ayaa la filayaa Bartamihiisa in Somaliya ay ka dhacdo doorasho, balse lama oga nooca doorasho ee dhaceysa, maadaama Dowladda ay sheegtay doorasho qof iyo cod inaysan dalka ka dhici karin.