SOMALILAND OO KU BAAQDAY IN LA HELO CID KALE OO KA QAYB QAADATA WADA HADALADA AY KULA JIRTO SOMALIYA

SOMALILAND OO KU BAAQDAY IN LA HELO CID KALE OO KA QAYB QAADATA WADA HADALADA AY KULA JIRTO SOMALIYA

Somaliland, ayaa waxay ku baaqday in ka helo cid kale oo dhex dhexaadin ka noqota amaba ka qayb qaadata wada hadalada ay kula jirto Dowladda Federaalka Somaliya.

Xukuumadda Somaliland, ayaa bishii November sheegtay inaanay Dowladda Turkigu daacad ka ahayn shirarka ay dalkeeda ugu qabaneyso Somaliya iyo Somaliland.

Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa maanta sheegay in Somaliland ay soo dhaweyneyso sii socoshada wada hadalada, balse loo baahan yahay in la helo cid kale oo ka qayb qaadata dadaalada lagu dhex dhexaadinaayo labada dhinac.

Haddii Turkiga oo keliya uu ku ekaa dhex dhexaadinta Somaliland iyo Somaliya, ayuu sheegay in markaan ay Somaliland dooneyso in la helo cid kale oo Turkiga ku wehlisa dhex dhexaadintaasi.

Dr. Sacad Cali Shire oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in Somaliland ay go’aansatay inay la soo noqoto madax banaanideedii, sababo ku aadan dhibaato ka soo gaartay buu yiri wadajirkii labada dhinac.



thumbnail Title: SOMALILAND OO KU BAAQDAY IN LA HELO CID KALE OO KA QAYB QAADATA WADA HADALADA AY KULA JIRTO SOMALIYA
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-13T19:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SOMALILAND OO KU BAAQDAY IN LA HELO CID KALE OO KA QAYB QAADATA WADA HADALADA AY KULA JIRTO SOMALIYA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 13, 2015 and have 0 comments