Turkiga oo saldhig Milateri ka samaysanaya dalka Qatar

Dalka Turkiga ayaa qorsheynaya in ay saldhig Milteri ka samaystaan dalka  Qatar ee gacanka Khaliijka Carabta. Qorshahan ayaa lagu sheegay in uu yahay ka hortaga cadowga labada dal ay wada leeyihiin, iyo ilaalinta danahooda, sida uu sheegay safiirka Turkiga ee dalka Qatar Ahmet Demirok.

Saldhiga Milteri ayaa qayb ka ah heshiis labada dal dhex marey sanadkii 2014.


Saldhiga dalka Qatar ay ka samaynayaan Turkigu waxaa la geyn doonaa ciidamo gaaraya 3000 oo askeri

Labada dal ee Turkiga iyo Qatar oo dhaqaalahoodu wanaagsanyahay ayaa lahaa xiriir dhaw, waxaana ay si weyn u wada tageereen Madaxweynihii la doortey ee dalka Masar  Maxamed Mursi kaas oo dil ku xukuman hadda, sidoo kale labada dal waxay ka mideysan yihiin siyaasadda dalka Siiriya.

Dalka Qatar waxaa horey Saldhig milteri ugu lahaa dalka Maraykanka.