Tv live ah Oo caruur loogu sheegay dhimashada Hooyadood -Muuqaal xanuun leh

Aabbe la murugeysa xanuun heystay xaaskiisa ayaa lagu marti qaadey Telefeshin si looga wareysto xaaladda murugado leh iyo taag la’aanta heysata xanuunka xaaskiisa darteed, waxa uuna aabahani horey usoo kaxeystay wiil iyo gabar uu dhaley oo xaaska xanuunsan ay u dhashay si uu uga qeyb geliyo wareysiga Telefishinka.

Hadaba marki cabbaar uu socdey wareysigu ayaa wuxuu aabahani marqura ka warhelay farriin Mobile-ka loogu soo diray oo tilmaameysa in ay geeriyootay xaaskiisii xanuunsaneed ee in uu xaaladeeda ka waramo uu Telefeshinka u fadhiyay.

Aabahan ayaan wariyaha barnaamijka iyo caruurtiisa la fadhisay ku war geliyay, hadaba caruur yaryar oo oo dhimashada hooyadood, muuqaal murugo badan iyo jawi sidan ah ayaana xigsadey.


HALKAAN KA DAAWO