Wasaaradda Dhalinyarada Puntland oo Sheegtay in Musuq maasuq lagu sameeyey shirar ay qabteen UN-ka

Wasaaradda Dhalinyarada Puntland oo Sheegtay in Musuq maasuq lagu sameeyey shirar ay qabteen UN-ka

Agaasimaha wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana oo ka mid ah wafdi dhalinyarada Puntland uga qayb galayey shir ku saabsan arrimaha dhalinyarada oo Muqdisho lagu qabtay ayaa cadeeyey in ay jiraa musuq maasuq lagu sameeyey dhalinyarada Puntland.

Tigaana wuxuu sheegay in ay ogaadeen shir bishii Agoosto ee sanadkan lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta oo looga hadlayey Amaanka iyo Dhalinyarada gunaanadkiisana lagu qabtay shalay Muqdisho oo uu sheegay in uu yahay shir aan laga qayb galin Puntland.

Shirkaas ayuu sheegay in si musuq maasuq ah looga qayb galiyey dhalinyaro matalayey magaca Puntland ayna ka warqabin wasaaradda, Isagoo ku eedeyey arrinkaas Urur dhalinyaro oo ka jira Muqdisho oo lagu magacaabo Maan.

Baaritaan dheer ayuu sheegay in ku sameeyeen sababta shirkan Puntland looga qayb galin waayey maadaama ay qaban qaabinaysay hay’ada UN-ka ee Soomaaliya, Wuxuu sheegay ay ogaadeen in ay Hay’adaha UN-ka ay ka madax banaan yihiin Musuq maasuqa lagula kacay.

Dhinaca kala wuxuu sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka codsadeen in shir caynkan oo kale lagu qabto Puntland diyaarna u yihiin ay soo dhaweeyeen shir amaanka iyo dhalinyarada looga hadlo oo dhalinyarada Puntland loo qabto.


thumbnail Title: Wasaaradda Dhalinyarada Puntland oo Sheegtay in Musuq maasuq lagu sameeyey shirar ay qabteen UN-ka
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-20T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wasaaradda Dhalinyarada Puntland oo Sheegtay in Musuq maasuq lagu sameeyey shirar ay qabteen UN-ka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 20, 2015 and have 0 comments