XILDHIBAAN BAARLAMAANKA GALMUDUG KA TIRSAN OO GAALKACYO LAGU DHAAWACAY IYO NABADOON DAAHIR GODO GODO OO LAGU DILAY

XILDHIBAAN BAARLAMAANKA GALMUDUG KA TIRSAN OO GAALKACYO LAGU DHAAWACAY IYO NABADOON DAAHIR GODO GODO OO LAGU DILAY

Weerar hubeysan oo xilligii Salaadda Jimcaha ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa lagu qaaday gawaari ay la socdeen dad ka soo jeeda Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, iyadoona uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil (Calool-geel) oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ganacsade Daahir Godo Godo (Daahir Aqwaan) iyo Nabadoon Muxudiin Sheekh Xuseen, oo ka soo amba baxay Garoonka Gaalkacyo, kuna sii jeeday Koonfurta Gaalkacyo, ayaa wadada loo galay.

Weerarkaasi, ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Daahir Godo Godo, halka ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen Xildhibaan Calool-geel iyo Nabadoon Muxudiin Sheekh Xuseen.

Xubnahaan, ayaa qayb ka ahaa dadaalada xalka loogu raadinaayo dagaalka Gaalkacyo, waxaana la weeraray, xilli loo soo diray in ay ka qayb qaataan dadaalada furinta dagaalka looga qaadaayo Ciidanka Galmudug.

Madaxda Galmudug, Puntland iyo wefdigii Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo shir uu kaga soconaayo Garoonka Gaalkacyo, ayay layaab ku noqotay weerarkaasi, iyadoo aanay kala cadayn cidda dhabta ihi ee ka masuulka ah weerarkaasi.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in shaki laga qabo in gacan saddexaad ay weerarkaasi ka dambeysay.



thumbnail Title: XILDHIBAAN BAARLAMAANKA GALMUDUG KA TIRSAN OO GAALKACYO LAGU DHAAWACAY IYO NABADOON DAAHIR GODO GODO OO LAGU DILAY
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-04T18:55:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XILDHIBAAN BAARLAMAANKA GALMUDUG KA TIRSAN OO GAALKACYO LAGU DHAAWACAY IYO NABADOON DAAHIR GODO GODO OO LAGU DILAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 04, 2015 and have 0 comments