XUKUUMADDA IIRAN OO BEENISAY IN SOMALIYA AY KA WADO FAAFINTA MAD-HABKA SHIICADA

XUKUUMADDA IIRAN OO BEENISAY IN SOMALIYA AY KA WADO FAAFINTA MAD-HABKA SHIICADA

Dowladda Iiraan ayaa beenisay wararka la xiriira in Magaalada Muqdisho ay ka wado faafinta Mad-habta Shiicada, xilli Sabtidii la soo dhaafay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ay soo bandhigtay labo ruux oo u dhashay dalka Iiraan oo lagu eedeeyay inay ka shaqeynaayay faafinta Shiicada.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Iiraan, Xuseen Jaabir Ansaari  oo Saxaafadda la hadlay, ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax arimo Shiico ku saabsan oo Safaarada Iiran ee Magaalada Muqdisho ay wado.

Waxa uu sheegay Dowladda Somaliya inay ka dalbadeen cadeynta sababta loo xiray Labo Muwaadin oo dalka Iiran u dhashay, kuwaasi oo lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Xuseen Jaabir Ansaari, ayaa sheegay inay jirto Isfahan, balse ay rajeynayaan inay xaliyaan arimahaasi si Isfahan waaga uu meesha uga baxo.

Culimadda Somaliyed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda Iiran inay ka wado Magaalada Muqdisho faafinta Mad-habka Shiicada.


thumbnail Title: XUKUUMADDA IIRAN OO BEENISAY IN SOMALIYA AY KA WADO FAAFINTA MAD-HABKA SHIICADA
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-30T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XUKUUMADDA IIRAN OO BEENISAY IN SOMALIYA AY KA WADO FAAFINTA MAD-HABKA SHIICADA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 30, 2015 and have 0 comments