Aktarad caan ah oo Arooskeeda ku cusuuntay Akshay Kumar+sababta

Aktarada caanka ah ee Asin, ayaa kaarka casuumada Arooskeeda waxaa ay si gaar ah u siisay Aktarka weyn ee Akshay Kumar.

23-ka bishan Janaury waxaa Atariishadan guursanaya ganacsadaha Rahul Sharma,waxaana Arooskaas uu ka dhacayaa magaalada Delhi.Qofka ugu horeeyay oo warqada Casuumaada Arooskeeda ay u dirtay waa Akshay Kumar oo ah saaxibkeeda qaaska ah.
Sababta waxaa ay tahay,Akshay waa qofkii ka dambeeyay iney isbartaan Asin iyo Amooraheeda guursanaya ee Rahul.

Barteeda ayey ku xaqiijisay Asin in Akshay ay u dirtay Infiitada Arooskeeda.

Akshay kumar  ayaa isagana qirtay iney run tahay oo isaga uu ka dambeeyay isbarashada lamaanahan is guursanaya.