Atariishada Salman Khan la jileysa Filimkiisa Sultan oo la shaaciyay

Ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyay Aktarada la jileysa Salman Khan filimkiisa soo socda ee Sultan.



Atariishooyin fara badan  ayaa Filimkan lala xiriirinayay iney wax ka jilaan sida  Deepika Padukone, Kangana Ranaut, Kriti Sanon iyo  Parineeti Chopra



Laakiin ugu dambeyn waxaa la shaaciyay Aktarada Anushka Sharma iney noqoneyso Atariishada Salman Khan.



Shirkada Yash Raj Films ayaa barteeda Twitterka waxaa ay ku shaacisay Anushka iney u doorteen Filimkan.