Axmed Madoobe”Hoolka Shirka halaga saaro Calamada Dalalka Dariskaa iyo kuwa Maamul Goboleedyada”

Axmed Madoobe”Hoolka Shirka halaga saaro Calamada Dalalka Dariskaa iyo kuwa Maamul Goboleedyada”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxaned Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka hadlay Hoolka uu ka Furmay Shirka lagu Go’aaminayo Nuuca Doorasho ee Sanadkaan ka dhici doonta Dalka ayaa Codsaday in Hoolka uu ka socdo Shirka laga saaro oo aan la dhigin Calamada Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dalalka Dariska ah.



Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay  in Maadaama laga hadlayo Maslaxada Soomaaliya la hoos fariisto oo kaliya Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.



Shirka ayaa Wajigii Koowaad  waxaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo,iyadoo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan Kulamo Gooni Gooni ah.



Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in Puntland ay diyaaru tahay u Tanaasulka Danta Dalka iyo Ummadda Soomaaliyeed.



Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Furitaanka Shirka ayaa sheegay in loo  baahan yahay in Soomaaliya loo raro Meel fiican oo laga fiirsado halka ugu Haboon.


thumbnail Title: Axmed Madoobe”Hoolka Shirka halaga saaro Calamada Dalalka Dariskaa iyo kuwa Maamul Goboleedyada”
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-15T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Axmed Madoobe”Hoolka Shirka halaga saaro Calamada Dalalka Dariskaa iyo kuwa Maamul Goboleedyada”



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 15, 2016 and have 0 comments