BAARLAMAANKA JAAMACADDA CARABTA OO KU BAAQAY IN LA XAQIIJIYO MIDNIMADA SOMALIYA

BAARLAMAANKA JAAMACADDA CARABTA OO KU BAAQAY IN LA XAQIIJIYO MIDNIMADA SOMALIYA

Bayaan uu soo saaray Baarlamaanka Wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa lagu sheegay in laga hortaggo kala qaybsanaan ku timaada Somalida dhexdeeda, iyadoo la ilaalinaayo midnimada Somaliya.

Bayaankan, ayaa waxaa lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay Somaliya, bacdamaa ay Somaliya xubin ka tahay 22-ka wadan ee jira Dallada Jaamacadda Carabta.

Bayaanka, ayaa waxaa ku qornaa qodobo muhiim ah oo taageero wayn loogu muujiyay madax banaanida iyo nabadgelyada Somaliya.

Qodobada Bayaanka, ayaa u qornaa:-

In laga hortaggo kala qaybsanaan Somalida dhexdeeda ah

In la xaqiijiyo, lana raadiyo midnimada iyo wadajirka Ummada Somaliyeed

In dib u heshiisiin loo sameeyo dhinacyada Somalida, si ay isugu soo dhawaadaan

In lala dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo kooxaha kale ee diidan midnimada Somaliya

In ay muhiim tahay ilaalinta badda iyo xasiloonida Somaliya

In laga hortaggo cid kasta oo damacsan inay fara-gelin ku samayso madax banaanida Somaliya.


thumbnail Title: BAARLAMAANKA JAAMACADDA CARABTA OO KU BAAQAY IN LA XAQIIJIYO MIDNIMADA SOMALIYA
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-15T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
BAARLAMAANKA JAAMACADDA CARABTA OO KU BAAQAY IN LA XAQIIJIYO MIDNIMADA SOMALIYA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 15, 2016 and have 0 comments