BOOLISKA KENYA OO XIRAY SARKAAL DAD SOOMAALI AH XAAFADDA ISLII UGU HANJABAAYAY IN KIIS ARGAGAXISO UU KU SOO OOGGI DOONO

BOOLISKA KENYA OO XIRAY SARKAAL DAD SOOMAALI AH XAAFADDA ISLII UGU HANJABAAYAY IN KIIS ARGAGAXISO UU KU SOO OOGGI DOONO

Ciidanka Booliska Degmada Starehe ee Magaalada Nairobi, ayaa waxay xabsiga dhigeen Wilson Irungu. Wilson Irungu Waa Ku Xigeenka Gudoomiyaha Hogaanka Waqooyiga Islii.

Booliska, ayaa waxay ninkan gacanta ku soo dhigeen isagoo isu soo ekeysiiyay Saraakiisha Booliska, isla-markaana dad Soomaali ah ugu hanjabaaya inuu xiri doono, kiis argagaxisana uu ku soo ooggi doono, haddii aanay lacaho badan siinin.

Warbaahinta Nairobi, ayaa qortay in Wilson Irungu uu watay katiinadda ay wataan Ciidamada Booliska, isla-markaana lagu xiro dembiilayaasha iyo dadka kale ee laga shakiyo.

Tallaabada lagu soo qabtay Wilson Irungu, ayaa waxay ka dambeysay markii Booliska Degmada Starehe lagu soo wargeliyay falkii uu ninkaasi ku hawlanaa. Nin kaloo la socday ninkan ayaa ka baxsaday gacanta Booliska, inkastoo la sheegaayo in lagu daba jooggo.

Kiberenge Seroney oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Nairobi, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Wilson Irungu toddobaadkan la horkeeni doono Maxkamadda Nairobi, si sharciga loogu qaado.

Ciidamada Kenya oo musuq maasuqa ku caan baxay, ayaa Somalida degan xaafadda Islii ugu cago jugleeya inay xiri doonaan, haddii aanay siinin lacago aan sharci ahayn.


thumbnail Title: BOOLISKA KENYA OO XIRAY SARKAAL DAD SOOMAALI AH XAAFADDA ISLII UGU HANJABAAYAY IN KIIS ARGAGAXISO UU KU SOO OOGGI DOONO
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-12T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
BOOLISKA KENYA OO XIRAY SARKAAL DAD SOOMAALI AH XAAFADDA ISLII UGU HANJABAAYAY IN KIIS ARGAGAXISO UU KU SOO OOGGI DOONO



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 12, 2016 and have 0 comments