BOQOLAAL MASAAJIDO OO KU YAALA FARANSIISKA OO MAANTA LOO FURAY DADKA AAN MUSLIMKA AHAYN

BOQOLAAL MASAAJIDO OO KU YAALA FARANSIISKA OO MAANTA LOO FURAY DADKA AAN MUSLIMKA AHAYN

Boqolaal ka mid ah Masaajida ku yaala dalka Faransiiska, ayaa mudddo laba maalmood albaabada loogu furay dadka aan Muslimka ahayn, si loo barro dhaqanka wanaagsan ee Islaamka.

Weeraradii 13-kii bishii November ka dhacay Magaalada Paris ee Xarunta Wadanka Faransiiska, ayaa dadka ku dhaliyay aragti aan wanaagsanayn oo ka dhan ah Muslimiinta. Weeraradaasi waxaa gaystay xubno ka tirsan Ururka Daacish.

Masaajidada loo furay inay yimaadaan dadka aan Muslimka ahayn, ayaa ah kuwa ugu waawayn ee Faransiiska ku yaala, waxaana wecygelintan soo qaban qaabiyay Ururka ugu wayn ee dadka Muslimiinta ee Faransiiska iyo Golaha Arrimaha Diinta Islaamka.

Gudoomiyaha Ururka Muslimiinta Faransiiska, Anouar Kbibech oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inay ugu talla-galeen in dadka aan Muslimka ahayn ay la kulansan yihiin dadka caadiga ah ee Muslimiinta.

Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in socdaal gaaban oo dalxiis ah ay la qaataan dadka aan Muslimka ahayn, si ay u barraan dhaqanka saxda ah ee Diinta Islaamka.

Dalka Faransiiska, ayaa waxaa la tilmaamaa inay ku yaallaan qiyaastii laba kun iyo shan boqol (2,500) oo Masaajido. Faransiiska waxaa ku nool Muslimiinta ugu badan ee ku dhaqan Wadamada Qaaradda Yurub.



thumbnail Title: BOQOLAAL MASAAJIDO OO KU YAALA FARANSIISKA OO MAANTA LOO FURAY DADKA AAN MUSLIMKA AHAYN
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-10T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
BOQOLAAL MASAAJIDO OO KU YAALA FARANSIISKA OO MAANTA LOO FURAY DADKA AAN MUSLIMKA AHAYN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 10, 2016 and have 0 comments