BOQORTOOYADA SACUUDIGA OO XUKUN DIL AH KU FULISAY WADAADKA SHIICADA SACUUDIGA EE SHEIKH NIMR AL-NIMR

BOQORTOOYADA SACUUDIGA OO XUKUN DIL AH KU FULISAY WADAADKA SHIICADA SACUUDIGA EE SHEIKH NIMR AL-NIMR

Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay maanta xukun dil ah ay ku fulisay 47 qof, oo uu ku jiro Sheikh Nimr al-Nimr, oo ahaa Wadaad caan ahaa oo ka soo jeeday Shiicada Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, ayaa waxay shaacisay in la daldalay wadaadkaasi, ka gadaal markii lagu helay arrimo argagaxiso.

Ragga maanta la daldalay waxaa ku jira Hogaamiye Ururka Al Qaacidda ka tirsanaa, kaasoo magaciisa lagu sheegay Faris al-Zahrani. Al-Zahrani waxaa la xukumay sanadkii 2004-tii.

Warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, waxaa kaloo lagu sheegay in ragga la dilay ay ku jiraan laba nin oo u kala dhashay Wadamada Masar & Chad.

Xukuumadda Riyadh, ayaa xabsiga dhigtay Nimr al-Nimr sanadkii Nimr al-Nimr, ka dib markii uu sameeyay kacdoon dadweyne oo looga soo horjeeday Boqortooyada Sacuudiga, isagoona ku dhaliilay inay taladii dalka oo dhami isku koobtay.

Gobolada Bariga Sacuudiga, oo Shiicada ay ku xoogan tahay, ayaa 2011-kii waxaa ka dhacay rabshado ka dhan ah Boqortooyada Sacuudiga, inkastoo aanay u joojin.

Al-Nimr wuxuu dalbanaayay in labada milyan Shiicada Sacuudiga ay ka go’aan qaybaha kale ee dalka, isla-markaana ay noqdaan dal ka madax banaan Boqortooyada Sacuucdi Carabiya, taasoona ka careysiisay Xukuumadda Riyadh, waana midda keentay in argagaxiso lagu tiriyo.


thumbnail Title: BOQORTOOYADA SACUUDIGA OO XUKUN DIL AH KU FULISAY WADAADKA SHIICADA SACUUDIGA EE SHEIKH NIMR AL-NIMR
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-02T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
BOQORTOOYADA SACUUDIGA OO XUKUN DIL AH KU FULISAY WADAADKA SHIICADA SACUUDIGA EE SHEIKH NIMR AL-NIMR



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 02, 2016 and have 0 comments