cali khaliif galeyr oo somaliland xabsi dhigtay daawo

Ciidamada milatariga Somaliland ayaa maanta la wareegay deegaanka Balicad oo 52 KM koonfur kaga beegan Buuhoodle, halkaas oo shir uga socday xubno ka tirsan maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galayr.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ku dooday in ay goobtaas ku sugnaayeen niman kharbudaad waday oo dawladda Soomaaliya ay soo dirtay, sida uu hadalka u dhigay.

Warancade ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay halkaas u tageen inay sugaan amniga bulshada.

Waxa kale oo uu sheegay in ragga uu ka mid yahay Cali Khaliif ee meesha laga kala eryey ay yihiin dad reer Somaliland ah, oo ay diyaar u yihiin inay la hadlaan, balse ay kasoo horjeedaan “faro-gelinta dowladda Soomaaliya”.

Deegaanka Balicad ee ay ciidamada Somaliland tageen ayaa la sheegay inaysan wax iska horimaad ah ka dhicin, islamarkaana ay ka baxeen xubnihii Khaatumo ee ku shirayey.

Weriyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa warbixintan kasoo diray Hargeysa.

Somaliland oo qabsatay Balicad riix