CIIDAMADA DALKA BURKINA FASO OO SOO GABA GABEEYAY WEERAR RAG HUBAYSAN AY KU QAADEEN HOTEL DALKAASI KU YAALLO

CIIDAMADA DALKA BURKINA FASO OO SOO GABA GABEEYAY WEERAR RAG HUBAYSAN AY KU QAADEEN HOTEL DALKAASI KU YAALLO

Ciidamada Ammaanka dalka Burkina Faso, ayaa soo gaba gabeeyay weerar rag hubaysan oo wajiyada soo duubtay ay ku qaadeen Hotel ay ku badan yihiin dadka reer Galbeedka ah.

Ciidamada amaanka ayaa soo badbaadiyey dad ka badan 126 qof oo deganaa Hotelka, kadib markii ay soo afjareen subaxnimadii maanta oo Sabti ah afduubkii ay Hotelka ku qabsadeen kooxda ka tirsan al-Qaacida. Hawlgalka lagu soo bad-baadiyey dadka waxaa ka qayb-qaatey ciidamada Faransiiska ee ku sugan Burkina Faso

Inta la og yahay ila hadda ugu yaraan 20 qof ayaa weerarka Hotelka ku geeriyoodey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Burkina Faso ayaa warbaahinta u sheegey in saddex kamid ah kuwii weerarka soo qaadey la diley. Ciidamada Amaankuna hadda ay wadaan baaritaan ku adan halka ay ku dhuumanayaan kuwa harey.

Wasiirka ayaa sheegey in 10 qof meydkooda laga heley maqaaxi bunka laga cabo oo ka soo horjeeda Hotelka, oo ah halkii weerarku ka bilowdey, sida ay warbaahinta u sheegeen dad markhaanti ah, waxaana hadda baaritaanku ka socdaa Hotel ku dhow kan markii hore la qabsadey kaas oo la sheegayo in ay galeen kooxdii dableyda ahayd ee weerarka soo qaadey.

Weerarkan waxaa sheegtey Al-qaacida Maqrib sida ay xaqiijisey hay’adda SITE.


thumbnail Title: CIIDAMADA DALKA BURKINA FASO OO SOO GABA GABEEYAY WEERAR RAG HUBAYSAN AY KU QAADEEN HOTEL DALKAASI KU YAALLO
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-16T20:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
CIIDAMADA DALKA BURKINA FASO OO SOO GABA GABEEYAY WEERAR RAG HUBAYSAN AY KU QAADEEN HOTEL DALKAASI KU YAALLO



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 16, 2016 and have 0 comments