Ciidamada Somaliland Oo Qabsaday Deegaanka Balli-Cad Oo Ka Tirsan G/Sool.

Ciidamada Somaliland Oo Qabsaday Deegaanka Balli-Cad Oo Ka Tirsan G/Sool.

Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay la wareegeen deegaanka Balli-cad oo u jirta 80km magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Deegaanka Balli-Cad ayaa lagu waday in ay shirka u yeeshaan madaxda maamulka Khaatumo, waxana ka socday deegaanka Balli-Cad qabanqaabada shirka ay yeelan lahaayeen maamulka Khaatumo.

Shirkan ayaa lagu waday in uu ka qeybgalo Madaxweynaha maamulka la magac baxay Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galleyr iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu Proff Galeyr uu ku sugnaa deegaanka Balli-Cad.

Ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa isku dayay in ay difaacdaan deegaanka Balli-cad hase yeeshee dagaal xoog leh oo halkaa ka dhacayay ayaa sababtay in ay isaga baxaan.

Lama oga illaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay iska horimaadkan iyadoo wararka qaarna ay tilmaamayaan in uu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


thumbnail Title: Ciidamada Somaliland Oo Qabsaday Deegaanka Balli-Cad Oo Ka Tirsan G/Sool.
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-15T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ciidamada Somaliland Oo Qabsaday Deegaanka Balli-Cad Oo Ka Tirsan G/Sool.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 15, 2016 and have 0 comments