DAAWO SAWIRADA: QARAXA BAABUUR EE KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO -

DAAWO SAWIRADA: QARAXA BAABUUR EE KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO -

Baabuurkaan saaka lagu qarxiyay Degmada Shibis, gaar ahaan Xaafada Maanabooliyo ayaa waxaa lahaa nin ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Jaarlees.

Jaarlees ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray Qaraxa, kadib markii uu Baabuurka ka degtay inta uusan qarxin, waxaa kale oo ku dhaawacmay Qaraxa labo ruux oo wadada maraayay.

Gaarigaan oo waxyaabaha Qarxa ay ku xirnaayeen, ayaa gabi ahaanba noqday mid gubtay, maadaama qaraxa uu si aad ah u saameeyay.

Sawiro laga soo qaaday Baabuurka Qarxay ayaa laga dheehan karaa sida uu muuqaal ahaan gaariga u ekaaday Markii uu qarxay.

Jugta Qaraxa gaariga ayaa saaka si aad ah looga maqlay Magaalada Muqdisho, maadaama xilliga qaraxa uu dhacaayay uu ahaa jawiga mid degan.

Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Qaraxa gaari ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala eegtay ruuxa Garoonka Diyaaradaha ka shaqeeya.





thumbnail Title: DAAWO SAWIRADA: QARAXA BAABUUR EE KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO -
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-10T19:31:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DAAWO SAWIRADA: QARAXA BAABUUR EE KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO -



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 10, 2016 and have 0 comments