Dagaalyahan Daacish ka tirsan oo hooyadiis meel fagaare ah ku toogtay

Ali Saqr al-Qasem oo ka mid ah maleeshiyaadka ka tirsan ururka Daacish ayaa meel fagaare ah ku toogtay hooyadiis kadib markii ay u bandhigtay in uu isaga haro ururka mayalka adag ee Daacish.

21 sano jirkaan ayaa boqolaal qof hortooda ku toogtay hooyadiis Lena al-Qasem oo 45 jir ahayd, kana tirsaneyd shaqaalaha xafiiska boostada magaalada Raqqa ee dalka Siiriya.

Ali Saqr al-Qasem ayaa ku wargeliyay ururka uu ka tirsan yahay ee ISIS in hooyadiis ay ka codsaday in uu isaga haro kooxaha Daacish, kana dhaadhicsay inuu aqbalo in uu soo raaco maadaama ay sii xoogeysanayaan weerarada ka dhanka ah Daacish ee magaalada Raqqa, waxaana lagu amray Ali Saqr al-Qasem in uu meel fagaare ah ku toogto hooyadiis.

Ururka fadhigiisu yahay dalka UK ee kormeera xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dalka Siiriya ayaa sheegay in magaalada Raqqa dad badan loogu diley siyaabo kala duwan.



Dilkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dagaalyahan ka tirsan Daacish uu meel fagaare ah ku toogto waalidkii dhalay, taasoo lala yaabay.