Dubai: 15 qof oo ku dhaawacmey dab ka kacay Hotel 63 dabaq ah

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhaawacmey, dab ka kacay Hotel ka kooban 63 dabaq oo ku yaala magaalada Dubai dalka Istutagga Imaaraadka Carabta, habeenimadii xalay xilli loo dabaaldegayo dhalashada sanadka cusub 2016.

Dabka ayaa ka kacay qaybta dhexe ee Hotelka waxaana uu markiiba si xawli ah ugu fidey qaybta kore kaas oo qabsadey Hotelka oo dhererkiisa lagu sheegay in ka badan 300 oo Mitir.

Sida laga soo xiganayo Booliska, waxaa la soo badbaadiyey dadki deganaa Hotelka.

Mid kamid ah shaqaalaha badbaadada ee la dagaalama dabka ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in 60 qof uu soo gaarey dhaawacyo kala geddisan kuwaas oo qaarkod waxyeelo ka soo gaartey qiiq ay ku neefsadeen.

Boliska ayaa sheegay in dabku ka kacay balkoon ku yala dabaqa 20aad, kadibna kor u fiday laakiin maysan sheegin sababta ka danbeysa dabka.

Laamaha amniga ee Dubai ayaa wada baaritaan ku aadan sababta dabka dhalisey.

Dhismaha dabku qabsadey ayaa ah Hotel The Address kaas oo ay badanaa degaan dadka dalxiisayaasha ah iyo martida Dowladaha, waxaana uu aad ugu dhaw yahay sarta ugu dheer dhismayaasha Adduunka ee Burj Khalifa.

Kumaankun qof ayaa ku soo ururay saraha dhaadheer si ay u daawadaan dabaaldegga sanadka cusub ee 2016.